Kenya: Lix qof oo watay bistoolado , rasaas iyo bambooyin oo lagu qabtay Garrisa
Booliiska Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa maanta gacanta ku dhigay lix qof oo ay ugu shakisan yihiin Argagaxiyaal islamarkaasna ay sheegeen in ay ka heleen seddex bam gacmeed, laba bistoolad iyo 84 xabadood oo rasaas ah kuwaas oo luga qabtay degaanka Amuma oo u dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Taliyaha Booliiska Garrisa Maxamed Macalin ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska ee ku sugan degaanka Jarajila ee Magaalada Garrisa oo ilaa 15 km u jirta barta control ee Amuma ee ku taalla xadka labada dal ay qabteen gaari land cruiser ah oo ay saarnaayeen toban qof
Afar ka mid ah tobankii qof ee saarnaa ayaa baxsaday markii Booliiska ay arkeen halka lixda qof ee kalena halkaasi lagu qabtay kadibna gaariga laga helay hubka iyo rasaasta sida uu sheegay Maxamed Macalin.
Waxa uu intaasi ku daray in ay helaan warar sheegaya in Maalinta bari ah oo dalka Kenya looga dabaal dagaayo maalinta qaranka dalkaasi ay doonayeen Argagaxisada in ay sameeyaan falal amaan dara ah iyagoo ka imaanaya dhinaca dalka Soomaaliya ayuu yiri.
Booliiska ayaa baaraya lixda qof oo hada lagu hayo saldhiga Booliiska Dhadhaab, waxaana ay shaaciyay taargada gaariga land cruiser oo ah No. KAQ 536 B, iyagoo ugu digay shacabka in ay gawaaridooda u ogolaan rakaabka hubka soo galinaayo gudaha dalka gaarigii lagu qabtana ay dowlada la wareegayso.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9902
