|

Xildhibaan Axmed Ismaaciil Samatar oo sheegay in Raja Cusub ay u bidhaantay Soomaaliya + video

Pro Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo todobaadkaan u waramay Barnaamijka Afican Voices ee ka baxa TV -ga CNN International ayaa sheegay in rajo cusub ay u bidhaantay Dalka Soomaaliya kadib markii muda 20 sano ka badan ay ka jireen  fowdo iyo dagaalo sokeeye.

Pro Samatar oo Musharax u soo noqday xisbiga uu ka tirsan yahay ee Hiil Qarn ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay hogaamiye daryeelaya dalkiisa oo ay ka muuqato qaabkii uu ugu jihayn lahaa taariikh cusub oo dhanka wanaagsan ah.

Proff Samatar ayaa si kooban ugu sheegeeyay taariikhdii hore ee soomaliya iyo xiligii xoriyada la qaaday kadib oo dalka Soomaaliya uu ku tilmaamay in uu yahay dalkii ugu horeeyay ee ku yaala qaarada Afrika gaar ahaan kuwa saharaha ka sareeya ee doorasho dumuqraadi ah ay ka dhacday kadibna xilka si nabad ah ugu kala wareegeen labadii hogaamiye oo aheyd 1967 dii.

Ugu dambeynta waxa uu sheegay in Dadka ay ka soo daaleen Islaamiyiinta hubka wata ee doonaya in ay baabi,iyaan dhaqanka  dalka, waxaa sidoo kale ay ka soo daaleen dagaal oogayaasha wata danaha gaarka ah, waxaa ay doonayaan in ay ka gudbaan waxaas oo dhan kadibna ay helaan Mustaqbal dhab oo ku salaysan rajada u soo bidhaantay ayuu yiri.
Halakaan Ka daawo

Fogaan Arag News

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9891

Posted by on Dec 11 2012. Filed under Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login