|

Xidigii hore Bayer iyo xulka Jermany Gerd Muller oo u hambalyeeyay Messi.


Ciyaaryahanki heystay rikoorka goal dhalinta mudo sanad ah Gerd Muller isla markaana usoo ciyaaray kooxda Bayer Muich iyo xulka Jarmany ayaa u hambalyeeyay laacibka soo qabtay isla markaana ka jebiyay wacdarihii uu dhigay sanadki 1972 ila imikana uu ilaashanayay gerd Muller.

Xidigii hore dalka Jermay ayaa yiri waxan aad ugu faraxsanahay in messi uu muujiyay dadaal dheeri ah sida daraadeed waan u hambalyeeynayaa waxana u rajeeynayaa mustaqbal wanaagsan inta uu ku siijiro kubada cagta ayuu yiri gerd Muller.

Laacibka kooxda Barcelona iyo xulka Arjantiin Lione Messi ayaa dhaliyay hal xeli ciyaareed 86 goal isaga oo marka weli sii heysta waqti uu ku sii kordhin karo goolal farabadan iyada oo ay hadal hayaan warbaahinta indha indheyso ciyaaraha.

Messi nafasad ahaantiisa ayaa si weeyn ugu qanacsan heerka uu ka gaaray kubada cagta asiga oo da’diisa ay weli tahay mid yar isaga ii imika utartamaya in uu noqdo xidiga adunka markiisi 4 aad waa hadi uu kuguulesto sanadka soo socda bisha janaayo.

Fogaan Arag Sports
fogaanaragnews@gmail.com

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9890

Posted by on Dec 11 2012. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login