Dowlada Canada oo Soo Saarty War ay ku farxeen Ardayda Ajaaniibta ah + video
Wasiirka Socdaalka iyo arimaha soo galootiga dalka Canada Jason Kenney ayaa shaaca ka qaaday qorshaha dowlada Canada ee mustaqbala ee ku aadan Ardayda Ajaaniibta ah ee wax ka barta dalkaasi ama doonaya in ay soo codsadaan wax barasho isagoo sheegay in ay si weyn ula shaqeyntoodaa waxaxa waxbarashada dalalka soo kacaya si ay u helaan arday badan oo wax barasha ahaan u imaada dalkooda.
Wasiirka ayaa daaha ka qaaday in ay wax badan ka badelayaan sharciyadii hore ee ay kula macaamili jireen dadka soo galootiga ah gaar ahaan kuwa doonaya in ay wax bartaan iyadoo kadibna loo abuuro doono fursad badan oo aqoontooda ay ugu shaqeyn karaan Canada.
Waxaa si gaar ah uu muhiimada u saaray ardayda wax barasha ahaantaa u jooga dalkaasi ama danaynaya in ay wax ka bartaan waxa uu yiri
”Ardayda wax ka barata dalka waxaan ku qasbi jirnay in ay dalka ka baxaan marka ay waxbarashada dhamaystaan xitaa hadii ay codsadaan magangelyo waxa ay ku qaadan jirtay waqti badan oo gaari jirtay ilaa iyo sideed sano laakiin hada wax baan ka badelaynaa hadii ardayga uu laba sano oo waxbarasha ah uu dhamaysto hal sanana uu ku shaqeeyo aqoonta uu baray waxaa si toos ah loogu ogalaanaa deganaanshaha dalka oo xaq uu u yeelanayo in uu ku noolaado kana shaqeysto dalka iyadoo waliba aan badinayno fursadaha shaqo ay ku heli karaan” ayuu yiri wasiirka
Waxaa muuqata ay danaynayaan Ardayda Ajanabiga ah oo ah bartilmaameyd weyn oo dowlada ay doonayso in ay fursado siiyaan kadibna ka shaqeeyaan gudaha dalkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray in faahfaahin badan oo arimahaan quseeya ay dib ka soo saaridoonaan hase ahaatee ay tahay wax ka go,an in ay dhiiri galiyaan ajaaniibta doonaysa in ay waxbartaan kana shaqeystaan dalka Canada
Halkaan Ka Daawo
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9878
