Ciidamada Dowalada iyo Amisom oo Dad ku qabqabtay howlgal ay ka wadaan Jowhar

Ciidamada Ha’yadda nabadsugida qaranka soomaaliyed ayaa bilaabay maanta aroorti howlgal ay ciribtirayaan haraagi al-shabaab ee gobalka sh/dhexe iyaga oo halkasina soo qabqabtay dad fara badan oo lagu tuhmayay in ay ka tirsanyihiin al-shabaab.
Sida wararka nagu soo gaarayaan ciidamada qaaska ah ee hay’adda nabasugida in ay howl galkas ay ka wada xaafada Hantiwadaag sida sida uu insoo xaqiijiyay wariye ahmed manzil oo halkaasi ku sugan waxa kaloo uu warka intaa ku siidayaa in dadka la qabqabtay ay gaarayaan ilaa 4 ruux.
Ahmed menzil ayaa sheegay in uu arkayay afatra ruux in loo gaxeeyay dhinaca iyo saldhiga halkasina lagu dembi baari doono saacadaha soosocda, gabi ahaan gabalka ayaa waxaa isku gedaamay ciidamada dowlada iyo kuwa amisom.
Dadka deeganka ayaa waxa ay muujinayaan cabsi baaxad weyn kedib marki badankooda magaalada dhan aay firaaqeyen oo ay guryahooda ku xarooden guud ahaan xaalada ayaa maanta waxa ay tahay mid dagan.
Fogaan Arag News
fogaanaragnews@gmail.com
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9870
