|

Xuska maalinta xaquuqul insaanka oo ka dhacday xerada xalane, Dhageyso.


Maanta ayaa waxaa aduun weeynaha looga dabaal dagayay maalinta xaquuqul insaanka oo ku beegan tbanka bisha december ayaa waxaa munaasabad lagu qabtay xaruurta xalane iyada oo ay kasoo qeytbgaleen masuul dhowr ah.

Masuuliyiinta kasoo qeyb gashay ayaa waxaa ay ka kala socdeen safaaradaha Kenya wasiirada dowlada somaliya iyo wakiilka ha’yada qaramada midoobeey iyo qaar kaloo ka kala socday mareekanka ingiriiska , waxaa si weeyn looga dareemayay magaalada gabi ahaanteeda.

Xalfadan ayaa waxaa soo qaban qaabisay ha’yada Q.M iyada oo uu horkacayay safiirka qaramada midow u fadhiga somaliya A.Mahiga iyo safiirka Mareeykanka u fadhiya somaliya iyo dhigiisa dalka Ingriiska iyo masuul kasocda midowga yurub iyo masuuliyiin katirsan dowlada somaliya wasiirka warfaafinta cabdilahi ciilmoge wasiirada arimaha bulshada maryam qaasim.

Dhageeyso Qudbadi Wasiirka iyo Mahiga

Kulankani ayaa waxaa siweeyn loogu lafa guray arimaha xaquuqul isaanka somaliya ka jira iyada o si weeyn xooga loo saaray maanta dhibaatada daba dheraaday ee lagu hayaa dilka joogtada ah iyada oo ay ha’yada warfaafinta aay balan qaaday in wax laga qaban doono isaga oo halkaasina ka hadalay ugu horeen wasiirka war faafinta cabdilahi ciilmoe waxa uuna ku dheeraday sida uu uga xunyahay waxa kaloo uu ku nuux nuuxsaday sharciyada ku aadan dhibaatooyinka wariyaasha ay meel marin doonaan wax ka qabadka dhawaan.

Masuulka qaramada midoow ayaa asiga nafasad ahaantiisa wax uu ku tilaamaamay wax laga xumaado in sanad gudahiisa 18 wariye lagu dilo , masuuliyiinta ayaa dhamaantooda waxa ay ka dhgiidhiyeen dhibatada baaxada leh ee lagu hayaa wariyasha ugu danbeytii waxaa halkaasi ka hadalay safiirka mareeykanka u fadhiya dalka somaliya asiga oo sheegay in ay dowlada mareeykanka ay ku raad jogaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada wariyaasha iyo gabi ahaan dalka Soomaaliya.

Ugu danbeeytii waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed ku aadanaa sidii wax loga qaban lahaa xuquuq xumada ka jirta dalka somaliya saxaafada ayaa waxaa u warbixiyay safiirka u fadhiya dalka ingriiska Matt Bough oo sheegay in ay qorsheeynayaan in ay wax ka qabyaan.

Fogaan Arag News
fogaanaragnews@gmail.com

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9865

Posted by on Dec 10 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login