Norway :Midowga Yurub oo la Siiyay Abaalmarinta Nabada + video
Madaxda Ururka Midowga Yurub ayaa Magaalada Oslo ee Xarunta Dalka Norway lagu siiyay Abaalmarinta caalamiga ah ee Nabada Aduunka ee Nobel Peace Prize kadib markii loo qiimeeyay doorka ay ku leeyihiin Mideynta Dalalka Qaarada Yurub gaar ahaan wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee Aduunka iyo hirgalinta xuquuqda Aadnaha ee ay ku baahiyeen qaarada oo dhan.
Ilaa iyo 20 hogaamiyayaal oo ka socday dalalka ku mideysan Midowga Yurub ayaa joogay Musaasabada lagu siiyay Abaalmarinta oo maanta ka dhacay Magaalada Oslo, waxaana ka mid ahaa Ra,iisulwasaaraha Dalka Germalka Angela Merkel, Madaxaweynaha Faransiiska Francois Hollande iyo Ra,iisulwasaare ku xigeenka Ingiriiska Nick Clegg.
Waxaa jira dhaliila muujinaya in Madaxda Yurub aysan u qalmin Awaalmarinta iyadoo sabab loogu dhhigayo sida weyn ee xubnaha ururkaasi ay ugu kala qeyb san yihiin dhaqaalaha xumida haraysay dalalka ku midaysan Ururkooda Midowga Yurub, hase ahaatee Guddoomiyaha Guddiga Norway ee bixiya Abaalmarinta Thorbjoern Jagland ayaa Munaasabada ka sheegay in 27 dal ee Midowga Yurub ay u qalmaan Abaalmarinta isagoo ku timaamay in qaarada ay ka soo saareen dagaal kadibna ay gaarsiiyeen nabad guud oo ay ku midaysan yihiin.
Lacagta la socota Abaalmarinta ayaa waxa ay gaaraysaa 930,000 Koroonka Norwey ah oo u dhiganta 1.19 malyan oo doolar, waxaana laggu bixindoonaa barnaamijyada lagu caawiyo caruurta ku noo goobaha dagaalka ee caalamka.
Halkaan Ka Daawo
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9857
