|

Amisom : Waan Dhowraynaa Xuquuqda Aadanaha Shacabka Soomaaliyeed

Howlgalka Nabad ilaalinta Madowga Africa ee Soomaaliya Amisom ayaa ka dhawaajiyay in ay dhowrayaan Xuquuqda Aadanaha shacabka Soomaaliya xili Maanta laga xusayo Aduunka oo dhan Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha.

Ergayga Gaarka ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mohmat Annadif oo arintaan ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay in ay balanqaadyada Amisom ay ka mid tahay difaacida xuquuqda Shaacabka iyo sidii ay degaankooda ugu noolaan lahaayeen iyagoo xor ka ah rabshado,gaajo iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqdooda guud iyo mida gaar ahaaneedba.

”Amisom waxa ay Maanta caawinaysaa dowlada Soomaaliya iyo Ciidamadeeda si nabada loogu baahiyo dalka oo dhan loogana hortago kuwa cadowga ku ah xornimada iyo sharafka dadka Soomaaliyeed” sidaasi waxaa yiri Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Waxa uu intaasi ku daray in Amisom ay ka shaqeynayso sidii loo hormarin lahaa fahamka ay Ciidamada Soomaaliya ka haystaan Xuquuqda Aadnaha, waxaana u samaynaa tababaro ku ku sallaysan waxyaabaha aas aaska u ah xishmadaynta Xuquuqda Aadamaha ayuu yiri.

Mohmat Annadif ayaa ugu dambayn cambaareeyay bartilmaamaydka lagu ugaarsanayo Wariyayaasha Muqdisho isagoo sheegay in Amisom ay la shaqeynaso Booliiska Soomaaliyeed si ay ugu hormariso awooda ay u leeyihiin sugida Amaanka, isla markaasna ay ugu deeqdo waxyaabaha u fududeynayo qaabka ay u soo qaban karaan kuwa ka dambeeya dilka Wariyayaasha.

 

 

Fogaan Arag News

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9853

Posted by on Dec 10 2012. Filed under Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login