|

Messi oo Jabiyay Recordkii Muller ee 85 ta Gool ee uu dhaliyay Sanad Gudihiis

Weeraryahanka u dhashay dalka Argentine una Ciyaara Kooxda heerka sare ah ee Barcelona ayaa Caawa jabiyay Recordkii Gerd Müller ee 85 ta gool uu dhaliyay sandkii 1972 oo kaliya kadib markii Messi uu caawa dhaliyay laba gool qeybtii hore ee Ciyaarta ay kaga hortageen Kooxda kale ee ka dhisan Spanje ee Real Batis

Labadaasi gool ayaa waxa ay u xaqiijiyeen Recordka cusub ee Caawa uu sameeyay oo ah 86 gool oo sanadkaan 2012 oo kaliya uu ka  dhaliyay 66 Kullan uu saftay halka laacibkii hore ee Germalka  ee haystay Recordkaani ee Gerd Müller ay ku qaadatay 60 kullan in uu dhaliyo 85 gool sanadkii 1972.

Lionel Messi ayaa goolashan uu Recordka ku qabtay ku soo bilaaway kullan ka tirsanaa Copa del Rey oo ay sanadkaan bilowgiisa la yeesheen kooxda Osasuna kadibna laba laba iyo seddex seddex u soo dhalinaayay dhamaan kulamadii uu u saftay kooxdiisa Barcelona iyo xulka Qarnka dalkiisaba

Kullankii ugu dambeeyay ee Recordka uu ku jabiyay ayaa waxa uu waqti kooban oo qeybta hore ee ciyaarta uu dhaliyay laba gool deg deg ahaa iyadoo kullankana uu ku dhamaaday 2 iyo 1 oo guusha ay ku raacday Barcelona

 

Fogaan Arag News

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9843

Posted by on Dec 9 2012. Filed under Ciyaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login