UA-35349107-1
|

Netherlands: Ardayda Ajanabiga ee aanan haysan Deganaanshaha oo loo ogolaanayo shaqooyinka qibrad qaadashada ah

Dowlada Netherlands ayaa sheegtay in ay wado qorshayaal ay ku suuragalinayso sidii ardayda aanan sharciyada laheyn ee ku dhaqan dalka Nethelands misana wax barta ay ugu qeyb gali lahaayeen shaqooyinka qibrad qaadashada ah ee ardayda loo diro marka ay wax baranayaan oo qasab ku ah  in ay sameeyaan oo hada aanan loo ogoleyn ardeyda qoxootiga ah, sidaasi waxaa sheegay wasiirka arimaha bulshada Lodewijk Asscher.

Ardayda sharci laawayaasha ah ee ku nool dalka Netherlands ayaa waxa loo ogol yahay in ay wax bartaa hase ahaatee waxa loo diidaa in ay shaqeeyaan sababtoo ah ma haystaan deganaansho ama sharci u ogolaanaya in ay shaqeeyaan, sidaas darteed ayaa waxa inta badan ku adag ardaydaasi in ay ka qalin jabiyaan wax barashada oo dhinaca kale qasab ah in ardayda ay soo sameeyo shaqo qibrad qaadasha oo quseysa waxa ay baranayaan.

Ardayda noocaan ah waa kuwa la nool qoysaskooda oo kiiskooda uu furan yahay oo wali aanan la diidin Codsiyadooda magangelyo waana waxa ay ku kala duwan yihiin kuwa codsiyadooda la diidey waayo hadii qofka codsigiisa magangelyo la diido oo kiiskiisa uu xirmo waxaanba loo ogoleyn in la dejiyo iskaba daa in waxbarasho loo ogolaado caruurtiisa.

Waa wax iska caadi ah Dalkaan Netherlands in waqti badan oo ilaa toban sano gaarayso uu iska furnaado kiiskaada iyadoo aanan wax sharci ah lagu siinin intaasna caruurtaada ay aadaan skuulka si la mid ah caruurta dadka sharciyada haysta.

Wasiirka arimaha Bulshada Lodewijk Asscher oo la hadlay Barnaamij ka baxayay Tv-ga ayaa sheegay in ay tahay wax wanaagsan in ardeyda aanan haysan deganaansha ay wax baran karaan laakiin waxaa qalad ah ayuu yiri in aysan ka qeyb gali karin barnaamijyada shaqo ku tababarashada ah oo ah sababta aysan u qaadan karin shahaadooyinkooda.

Waayo waxaa qasab ah in ardayga uu soo sameeyo qibrad shaqo si loo siiyo shahaadada marka waxaan ku howlan nahay in sharcigaasi aan wax ka badalno oo aan u ogolaano ardaydaasi in ay ka qeyb galaan shaqooyinka qibrada lagu qaato ayuu yiri.

Arintaan ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay qeyb ka tahay shari sanadkii hore ka soo baxay midowga yurub oo ahaa in shaqooyinka qibrad qaadashada ah ay ka mid yihiin waxbarashada sidaas darteedna ay waajib tahay in lagu daro sharciyada waxbarashada oo aanan lakala reebin.

Hadii Wasaarada arimaha bulshada ay ku guulaysato meel marinta arintaan ayaa waxaa ay fursad u noqondoontaa arday badan oo ajaaniib ah oo halkaan ku dhashay ama iyagoo yar la keenay oo wax ka barta hadana ay ku adkeed in ay qaataan shahaadooyinkooda maadaama ay ka dhinneyn qeybta shaqo ku tababarashada oo aanan loo ogoleyn qof aanan sharci ku laheyn dalka.

 

Fogaan Arag News

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9837

Posted by on Dec 9 2012. Filed under Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login