|

Kenya: Labo Qof oo mid Askari uu yahay oo lagu Dilay Garrisa.

Dablay aanan la garan ayaa Maanta laba qof oo kala ahaa Askari iyo Shacab ku dilay albaabka hore ee Dukaan ku yaallo Magaalada Garrisa ee Xarunta Gobolka waqooyi Bari Kenya.

Dablayda ayaa sidoo kale dhaawacay qof kale oo rayid ahaa oo isla markiiba loola cararay cispitaalka halka labada qof ee kale ay ku dhinteen isla goobta.

Seddexda qof ee laba ay dhimatay, midka kalena uu dhaawacmay ayaa waxa ay taagnaayeen albabka hore ee dukaan ku yaalla Garrisa halkaas oo si lama filaan ah ay ugu soo weerareen dablay hubaysan oo toogtay iyagoo hor taagan kadibna ka baxsaday goobta sida ay sheegeen dad goob joogayaal ahaa markii uu weerarka dhacayay.

Waxaa soo baxaya warar is qalaafsan oo sheegaya in Askariga la dilay uu ahaa Booliis ama Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF.

Dhawaan ayay aheyd markii dhamaan taliyayaashii amaanka magaalada Garrisa laga qaaday xilalkoodii kadib markii lagu sheegay in ay gudan waayeen waajibaadkooda dhinaca sugida Amaanka Magaalada hase ahaatee waxaa wali muuqata in Amaandaridii xilka looga qaaday taliyeyaashii hore ay taagan tahay oo wali looga fadhiyo Ciidamada Amaanka in ay ka shaqeeyaan sidii ay u xaqiijin lahayeen Amaanka Magaalada iyo Gobolka oo dhan.

 
Fogaan Arag News

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9833

Posted by on Dec 9 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login