Netherlands: Halkay ku Dambeeyaan Qoxootigii Soomaalida ay ka mid ahaayeen ee Ku Dhibaataystaa Amsterdam ? + Dhageysi
Qoxootigii Mudada badan ku dhibaataysnaa Magaalada Amsterdam ee Xarunta dalka Netherlands ee todobaadkii la soo dhaafay ay halkaasi ka kaxeeyeen Booliiska Amsterdam kadib markii ay diideen in ay u hogaansamaan Amarkii Maxkamada ee ahaa in ay baneeyaan Goob banaan ah oo ay iska deganaayeen ayaa waxaa isla maalinkiiba la dhigay Banaanka sida uu xaqiijiyay Axmed Aadan Sabriye oo ka mid ah Qoxootigaasi oo qadka taleefonka noogu waramay
Axmed Aadan Sabriye oo ka mid ah ku dhowaad afartan Qof oo Soomaali ah oo ka mid ahaa 95 kii qof ee Booliiska ay ka kaxeeyeen Goobta ay ku dayacnaayeen ayaa sheegay in ugu badnaan Lix saacadood ay ku xirnaayeen Saldhiga Booliiska ee Amsterdam kadibna Qof qof banaanka loogu soo saaray oo lagu yiri isaga taga dalka mana ku laaban kartaan meeshii aan idinka soo wadnay.
Markii dhamaantood ay banaanka isugu imaaadeen ayay go,aansadeen in aysan ka hor dhaqaaqin xarunta Booliiska ilaa arinkooda meel laga saarayo hase ahaatee waxaa meesha ugu daba tagay dadkii ku caawin jiray goobtii banaanka aheyd ee ay mudada ku noolaayeen oo geeyay Meel kale oo kaniisad ah oo ku taala Amsterdam halkaas oo hada ay ku dhaqan yihiin balse aysan jirin cid ku daryeesha marka laga reebo shaqsiyaadka is xilqaamay ee ka caawiya dhinaca rashiinka iyo agab aanan badneyn oo jiifka ay u isticmaalaan.
Axmed Aadan ayaa inoo xaqiijiyay in qoxootigaas oo tiradooda guud ay gaarayso ilaa 1030 qof ay u badan yihiin Afrikaan iyo Carab oo Soomaalida ay gaarayso ilaa 40 qof oo isugu jira rag iyo dumar.
Hay,ada Qoxootiga u qaabilsan Netherlands ee IND ayaa banaanka dhigtay qoxootigan kadib markii ay diiday Codsiyadoodii magangelyodoon kadbna waxaa ay muda badan ku dayacnaayeen waddooyinka Magaalada Amsterdam oo teendhooyin yar yar oo dad shacab ah ay ugu deeqeen ay ka dhisteen meel banaan ah oo ku taallo Magaaladaasi.
Iyadoo markii dambe go,aan maxkameed lagu amrey in ay beeneeyaan goobtaasi kadib markii laga cabsaday qatar caafimaad daro oo ka dhalan karto meeshaasi maadama aysan haysan waxyaabihii aas aaska u ahaa nolosha sida biyo, koronto iyo musqulo ay isticmaalaan taasoo ay u sii dheereyd in qashinka aanan laga nadiifin goobtaasi intii ay daganaayeen sidaas darteed lagu qasbay in ay baneeyaan goobta.
Sharciga Netherlands waxa uu qabaa in qofka la diido codsigiisa uusan xaq ugu laheyn how iyo xanaano intaba iyadoo taasna ay keento in qoxootiga la diido codsiyadooda ay aad ugu dhibaatoodaan nolosha
Waxaa kaloo jirta in qofka Soomaaliga ah ee la diido codsigiisa magangelyodoon aanan lagu celin karin Soomaaliya Amaandarida ka jirta owgeed iyadoo kadibna lagu cadaadiyo qofka in iskiis uu u dalbado dib u celintiisa lagana sixiixo in isaga uu dalbaday sidaas darteedna aanan loo naxariisan ilaa uu ka ogolaanayo qaabkii lagu celin lahaa.
Halkaan Ka dhagayso wareysiga Axmed Aadan Sabriye
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9774
