|

Horyaalka 13,aad ee kubada Koleyga oo si Habsami leh ugu socda Muqdisho

MUQDISHO: Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta, waxaana ciyaar aad u kulul isaga horyimid Kooxaha Dekedda iyo Horseed . iyadoo ay guusha raacday Dekedda oo 14-11 ku quusiyay Horseed.

Ugu horeyn ciyaarta ayaa waxay ku bilaabatay dardar, iyadoo labada kooxood goolasha ay iska dhalinayeen u muuqdeen kuwo su`aal iyo jawaab oo Koox walba mar ayay shabaqa gool ku hubsatay. Waxaa qeybtii hore u muuqatay mid ciyaarta ay isku dheelitiran tahay.

Qeybtii labaad ayay ciyaarta isbedel sameysay waxaa goolal ku horumar ciyaaryahanada Horseed, Laakiin waqtiyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa fursad helay kooxda Dekedda ka dib markii ciyaaryahano lafdhabar u ahaa Horseed qaladaad ay galeen awgiis looga saaray garoonka sidaasna ay 14-11 Dekedda kulankaas ku soo afjartay.

Waxaa ciyaartan ka xusi karnaa ciyaaryahanadii ugu cadcadaa dhanka Dekedda Sayid Cali (Kuukaay), Xamza Xaaji Cabdi iyo Maxamed Cumar, Dhanka Horseed Libaan iyo C/Jibaar.

Waxaa ciyaartan xiisaha lahayd garsoorayay Maxamed Xasan Fiidoow iyo C/raxmaan Suufi Karaama, Dhibcaha waxaa qorayay Cusmaan Cabdi Cusmaan, Sacaadda waxaa hayay Qaasim Sheekh Maxamuud, iyadoo xeer Ilaaliye uu ahaa C/laahi Xasan Cali {Kuusoow}.

Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Xiriirada GOS iyo mas`uuliyiin kala duwan – waxaana ka mid ahaa Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan Xuurshe [Eenoow], Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo), Guddoomiye ku xigeenka XSKK Cali Xasan Cali, Guddoomiyaha NSGSC C/qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo), Kusimaha Xoghaya XSKG Xasan Maxamed Axmed (Xasanoow), Kusimaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Basaale, Guddoomiyaha Guddiga Tartamada XSKC Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino), Xoghayaha Naadiga Dekedda Muqdisho C/llaahi Maxamed Bashiir {Quattro} iyo Taageeraha weyn Ibraahim Maxamed Qeydaraan (Adoomoow).

INTA KULAN AY CIYAARTAY KOOX WALBA IYO DHIBCAHA:

MAGACA KOOXDA

INTA AY CIYAARTAY KOOXDA
DHIBCAHA AY LEEDADHAY KOOXDA
1 2 3 4 5 Wadar Guud 1 2 3 4 5 Wadar Guud
1 Heegan
3
3 3 3
9
2 Dekedda

4
3 3 3 3
12
3 Horseed
4
3 3 3 0
9
4 Nationlink
3
0 0 0
0
5 Dowladda Hoose
3
0 0 0
0
6 Fero
3
0 0 0

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9756

Posted by on Dec 8 2012. Filed under Ciyaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login