Reer boqorka Ingiriiska oo aad ugu faraxsan ilmaha u uur Galay iyo Fadeexad ka dhalatay qaabka loo ogaaday oo qof uu u dhintay + video
Wiilka Reer Boqorka Ingiriiska Prince William iyo Marwadiisa Princess Catherine ayaa farxad la ooyay markii ay xaqiiqsadeen in ay Catherine ay leedahay uurka ilmahoodii ugu horeeyay.
Lamaanahaan oo xiriirkooda adkeeyay bishii April ee sanadkii hore ayaa farxada ay ka tan badisay markii ay shaaca ka qaadayeen in sanadka dambe ay rajaynayaan ilmahoodii ugu horeeyay.
Jessica Hay oo saaxiib la ah Catherine ayaa sheegtay in William iyo Catherine ay si aanan caadi aheyn ugu faraxsan yiihiin in sanadka soo socda ay noqonayaan waalid.
Lamaanaha oo todobaadkaan ku dhawaaqay uurka ku soo kordhay ayaa si kheyri caadiga ah isugu diyaarinaya ilmahooda cusub ee wali uurka ku jira ayay tiri
Dhinaca kale haweenay kaalkaalisa ka aheyd isbitaalka lagu xanaanaynayay Princess Catherine markii ay dareentay wax xoogaa xanuun ah oo dhinaca walaca uurka ah ayaa la helay iyadoo meyd ah.
Haweenayda oo lagu magaacabayay Jacintha Saldanha ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay is dishay kadib markii ay ku lug yeelatay fadeexad ka dhalatay aqbaar si been ah looga helay xaalada Catherine iyo uurka ay yeelatay.
Laba Dj oo ka soo wacay Radio ku yaala dalka Australia ayaa Cispitaalka isaga dhigay in ay yihiin Boqorada Dalka Ingiriiska Queen Elizabeth iyo Prince Charles oo doonayay in ay oqaadaan xaalada Catherine.
Hadaba Kaalkaalisada is dishay ayaa Teleefoonka u gudbisay kaalkaalisadii u xilsaarneyd xaalada laamaha reer Boqorka oo sidaasi loogu warbixiyay xaalada lamaanahaasi.
Sidaas darteed ayaa waxa ay ugu lug yeelatay aqbaarta sida beenta ah looga helay lamaanaha reer boqor iyadoo waliba la isaga dhigay qoyska boqortooyada Ingiriiska.
Labada Dj oo ah ka shaqeeya Radiyaha 2DAY FM oo ah raadiya wax xayeysiiya ayaa waxaa la kala dhahaa Mel Greig Michael Christian oo iska kala dhigay boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth iyo Prince Charles.
Hadaba halkaan Hoose ka dhagayso kana daawo sida ay u mataleen Reer boqorka oo u saamaxday in ay aqbaarta helaan.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9736
