|

Diyaaradii ugu horeeysay afar sano kedib oo Maanta ka dagtay B/Weyne


Tan iyo markii mudo 4 sano ah ay ka caga dhigatay diyaaradii ugu horeesay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif, iyadoo diyaaradan ay si rasmi duulimaadyo ugu tagi doonto magaaladaas todobaadkiiba labo jeer.

Sida ay sheegayaan wararka diyaaradan ayaa waxaa la socday xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo dad shacab ah oo saaka ay ka soo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Gudoomiye kuxigeenka maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in diyaaradan rakaab ay tahay tii u horeysay oo rakaab ah ka soo degta garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyn muddo afar sano ah.

Waxaa uu sheegay in garoonka ay ka qeyb qaateen dayactirkiisa Ciidamada AMISOM ee jabuuti ka socda, kuwaasoo si buuxda gacanta ugu haya ammaanka garoonka iyo magaalada B/weyn.

Rakaabka saarnaa diyaaradan ayaa waxaa ka mid ahaa tiro fanaaniin ah oo dhowaan kaga qeyb geli doona B/weyn munaasabad tababar loogu soo xirayo Ciidamada dowladda oo ay tababar siinayaan saraakiisha AMISOM.

Duulimaadyada ayaa noqonaya mid maalmaha Arbacada iyo Sabtida ay ku tagto magaalada B/weyn, iyagoo ka ambabixi doonta magaalada Muqdisho.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Shirkad lagu magacaabo Horn of Africa Airlines ay ku dhawaaqday inay duulimaadyo gudaha ah ka bilaabi doonto, isla markaana ay tagi doonto magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo B/weyn.

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9727

Posted by on Dec 8 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login