Nairobi: Dadkii ku Dhintay Qaraxii Misaajidka Islii oo Gaaray Shan Qof
Labo qof oo kale ayaa u dhintay dhaawac xalay ka soo gaaray Qaraxii ka dhacay Misaajidka Al Hidaaya ee Xaafada Soomaalida Islii ee Magaalada Nairobi, taas oo tirada dadka ku nafwaayay weerarkaasi ka dhigtay ilaa iyo shan qof sida lagu sheegay war saakay ka soo baxay Ciidamada Booliiska Islii.
”Laba qof oo kale ayaa ku dhintay Cispitaalka oo tirada guud ka dhigtay shan qof” sidaasi waxaa yiri Moses Nyakwama oo ah Taliyaha Booliiska Magaalada Nairobi.
Waxa uuna intaasi ku daray in Ciidamo dheeraad ah ay u direen xaafada Islii si loo xaqiijiyo Amaanka kadib markii xalay qaraxa uu dhacay ayaa dhalinyaro is aruursanayay oo isku dayaya in ay dibadbaxyo rabshadda wata ugu jawaabaan weerarkaasi.
Qaraxa xalay ayaa waxa uu ka dhashay Bambo gacmeed lagu tuuray dad badan oo ka soo baxay misaajidka Al hidaaya salaada cisha kadib iyagoo qaar ka mid ah la taagnaa Xildhibaanka laga soo doortay Degmada Kamukunji ee Islii ay ka mid tahay Yuusuf Xasan oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxaasi.
Xildhibaanka ayaa waxa soo gaaray jab dhinaca lugaha ah iyo mid ka mid ah gacmihiisa, waxaana hada uu yaalaa oo lagu daweynayaa Cispitaalka Aga Khan ee Magaalada Nairobi,
Weerarkaan Bambada gacmeedka ah ayaa waxa uu ugu dambeeyey weeraro isbada joog ah oo dhawaanahaanba lagu hayay dalka Kenya gaar ahaan Xaafada Soomaalida ay degan tahay ee Islii waxaana uu hoosta ka xariiqayaa in Amaanka dalka Kenya uu jilacsan yahay xili waliba muda seddex bil gudaheed lagu wado in dalkaasi ay ka dhacaan doorashadii Madaxtinida Mudada soo socota.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9717
