Qarax Qasaaro Gaystay oo ka dhacay Masjid Xafadda Islii ku yaaalo
Sida ay sheegayaan Wararka ka’imaanaya Magaalada Nairobi Gaar ahaan Xaafadda ay Soomaalida dagantahay ee Islii in Caawo uu qarax ka dhacay Banaanka hore ee Masaajidka Al-Hidaaya.
Qaraxaan ayaa markii lala beegsanayay masaajidka waxaa ku sugnaa dad badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin oo uu kamid ahaa xildhibaanka laga soo doorto deeganka Kama kuuji ee ka tirsan tahay xaafadda Islii.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu jiro dhaawac qaraxaas uu kasoo gaaray Yuusuf Xasan oo ah xildhibaanka somalida deeganka Isliii ay ku taallo laga soo doorto.
Sidoo kale wararka waxay sheegayaan inuu jiro qasaaro kale oo soo gaaray dadkii goobtaas ku sugnaa.
Neyroobi ayaa marti u noqotay qaraxyo iyo amaan darro kadib markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen dalka somalia bishii October ee sanadkii 2011.
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9686
