|

Dowdalada USA oo sii xoojineysaa taageerida arimaha Soomaaliya.


Kaaliyaha wasarada arimaha dibada maraykanka u qaabilsan arimaha afrika joni karson ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada midawga afrkka kaga sugan Somalia ay dawr weyn ka cayaraayan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa wadanka Somalia.

Mr karson ayaa xaqiijiyay in dawlada maraykanka aay diyaar u tahay si wadista taagerada ay siinayso ciidamada midnimada afrika ee hawgalka nabad ilalainta kawada Somalia marka magacooda looso gabiyo loo yaqano amison waxa uu soo qaatay hour maradii ugu danbeeyay ay ka sameyen degaano dhawr ah oo ay gacanta ku hayeen xarakada al-shabab oo ka horjeda dawlada Somalia.

Karson ayaa yiri”waxaan xoojin doonan sii wadista taagerada askarta midawga afrika kaga sugan Somalia hanoqo dhanka taba barada ama dhanka loojistikada ciidan”

Hadalka karson ayaa waxa soo xiganaya jariidad lagu magacabo stars and stripes oo maal mihi ugu danbeyay qoraysay arimo ku aadan sida ay dawladaha afrika uga qeyb qaadan karaan la dagalanka koxaha islaamiyinta qarada kasoo ifbaxay.

Maraykanka ayaa waxa uu xarumo uu ku taba barayo ciidamo Somalia ah iyo kuwa Uganda ah uu ku leeyahay wadanka Uganda isagoona bixiya lacagaha ugu badan ee hawgalka amisom.

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9683

Posted by on Dec 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login