UA-35349107-1
|

Ahlusunah oo eeden dusha kaga tuurtay kooxaha aragax geliya bulshada ra’yidka ah.


Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa cambaareeyay duqeymihii shacabka loo geystay habeenkii arbacada, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka oo hurdayay madaafiic lagu garaaco guryahooda.
Bayaan ka soo baxay Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in kooxaha argagaxa dadka ku ridaya ay yihiin kuwo nabada ka soo horjeeda, isla markaana shacabka aanay wax dan ah ka laheyn, inay dhibaato iyo qasaaro u geystaan mooyee.

Culimada ayaa ugu baaqay shacabka inay ciidamada dowladda gacan ku siiyaan sugida ammaanka, isla markaana ay soo sheegaan kooxaha dhibaatada wada, iyo kuwa guryahooda hortooda madaafiicda ka ridaya.
Sidoo kale waxaa ay culumaa’udiinka u jeediyeen hey’adaha amaanka dowladda inay si deg deg ah wax uga qabtaan falalka amni xumo iyo kooxaha shacabka isku qarinaya, sidii ay dibada u soo saari lahaayeen.

Dhinaca kale culumaa’udiinka ayaa cambaareeyay dil habeen hore oday dhaqameed ka mid ahaa soo xulayaashi ergadii ansixisay dastuurka oo lagu dilay Muqdisho, waxaana ay ugu baaqeen dowladda inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilka ka dambeeyay.

Ugu dambeyn bayaanka culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in shacabka ay u midoobaan sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen kooxaha dhibaatada ku haya, ee u diidan nabada iyo degenaanshaha.


Fogaan Arag News
fogaanaragnews@gmail.com

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9680

Posted by on Dec 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login