Ra,iisulwasaaraha Australia Julia Gillard oo Sheegtay in Qiyaamaha uu Dhacayo Bishaan + video
Ra,iisulwasaaraha Dalka Australia Julia Gillard oo ayaa si kama dambeyn ah ugu wargalisay shacabka Australia in Aduunyada ay dhamaad tahay, waxaana ay sheegtay in 21 bishaan aan jirno ee December ay tahay maalinta ugu dambaysa Aduunkaan aan ku nool nahay taas oo ay ula jeedo in qiyaamaha uu dhacayo.
Julia Gillard oo ka soo muuqatay Video uu ka duubay Radiyaha Australia ayaa sheegtay in Qiyaamaha uu dhacayo xili habeen ah oo taariikhdana ay ku beegan tahay 21 ka December ee Sanadkaan oo dhowr iyo toban maalmood ay naga xigto sida ay sheegtay, iyadoo uu ka muuqday walwal badan ayay shacabka ugu digtay in ay la socdaan in Aduunyada ay dhamaanayso
Waxa ay intaasi ku dartay in Aduunyada ay la dhamaanayso Taariikhda ugu dambaysa ee Calenderka Mayan oo ku dhamaanaya 21 ka Bishan December, waxaana hadaladeeda ka mida haa oo ay tiri
”Hadii ay tahay in aad wax iga ogaataan, waa arintaan ah in aduunyada ay dhamaanayso, waligay waan idiin dagaalamidoonaa ilaa dhamaadka ugu dambeeya hase ahaatee waxaan u malaynaa in shirkaan Jiraa,id uu yahay midka ugu dambeeyo ee aan qabto”
Arinta ku saabsab dhamaadka Aduunyada ayaa waayadaamba ay isla dhex marayaan dadka aanan Islaamka aheyn oo marba waqti ku sheega in Qiyaamaha uu dhacayo hase ahaatee waxaa hubaal ah in mar un aduunyada ay dhamaanayso mana jiro qof xaqiijin kara waqtiga dhabta ah ee qiyaamaha uu dhacayo.
Halkaan ka Daawo
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9672
