|

Soomaalida ku Curyaantay Dagaalada oo Codsanaya in laga Caawiyo Nolosha + video

Maalinta Caalamiga ah ee Curyaamiinta oo ku beegneyd 3-da December ayaa waxa Soomaalida Curyaamiinta ah ay isugu tageen Jaamacada Badweynta Hindiya ee Magaalada Muqdisho si ay u sharaxaan dareenkooda ku aadan maalinta loo asteeyay ee aduunka laga xasuusto dadka Curyaamiinta ah.

Waxa ayna ka hadleen in ay awood u leeyihiin ka qeyb galka nolosha caadiga ah ee bulshada hadii ay helaan waxyaabaha ay u baahan yihiin sida xarumo u gaar ah oo gacan ka siiya nolosha iyo sidii ay bulshada ula tartami lahaayeen. iyagoo dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay caawiso oo ay masuuliyad iska saarto xanaanadooda taas oo u noqon karta rajada cusub ee nolosha ay ugu qeyb galayaan

Soomaalidan oo badankooda ku curyaantay dagaaladii dalka soo maray ayaa waxa ay ka cabanayaan in aysan haysan xarumo u gaar ah oo ka caawiya baahiyaha dhinaca xubnaha ee haysta isla markaasna u sahla sidii ay ula qabsan lahaayeen nolosha sababtoo ah waxa markii hore ay ahaayeen dad ay u dhan yihiin lixaadkooda oo bulshada ka mid ahaa hase ahaatee hada sidii ma ahan sidaas darteed ayaa waxa ay u baahan yihiin in si gaar ah ay u helaan xarumo u xilsaaran oo gacan ka siiya nolosha iyo sidii ay u maareeyn lahaayeen.

Maxamed Xuseen oo ka mid ah dadka ku dhibaatoobay dagaalada ayaa waxa uu sheegay in uu ku dhaawacmay israsaaseyn dhex martay askar ka wada tirsan kuwa dowlada Soomaaliya mana jirto qof loo qabtay dhaawac aan la dhibtoonaya ayuu yiri waxa uuna intaasi ku daray in uu ku riyoon jiray in uu noqdo oradyahan nasiib daro hada waxa uu isticmaalaa Gaariga Curyaamiinta.

”Dhaawac i gaaray waxba uma dhimin niyadayda, waxaana wataa waxbarashadayda inkastoo mararka qaar aan dareemo xanuun ka imaada biraha la galiyay jirkayga si aan u kabto” sidaasi waxaa yiri Maxamed

Dagaalada, gaajada iyo biyaha lagu daadiyay wasaqda sunta ee ka soo harta warshadaha ayaa ah sababtaugu weyn ee sii badisa tirada curyaamiinta Soomaaliyeed waaayo waa dal aysan ka jirin dowlad awood leh musuqmaasugana uu la dagay.

Halkaan Ka Daawo

Fogaan Arag News

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9663

Posted by on Dec 6 2012. Filed under Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login