|

Liverpool oo £12million ku dooneysaa ciyaaryahan Keisuke Honda.


Kooxda reer England ee Liverpool ayaa lala xiriinaya in ay £12million ku soo qadan doonto bisha January xidiga kooxda CSKA Moscow Keisuke Honda.
Laacibka wadanka Japan ayaa ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay heshiiska uu kula jiro kooxda reer Russia waxaana uu doonaya in uu kooxdiisa ka tago.

26 jirkaan ayaa xagagan qarka ufuulay in uu ku biiro kooxda Lazio ee wadanka Talyaaniga ,laaakin waxaa ay qiimaha isku fahmi waayeen kooxdiisa CSKA

Macalinka kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa jeclaan lahaa in uu laacibkaan ku soo biiriyo kooxdda ku ciyaarta garoonka Anfield ,waxaana qiimahan £12Milion uu ka caawin kara in ay helaan .
Honda ayaa laacib sare ku noqday koobkii aduunka ee 2010 lagu qabtay qaarada Africa ,waxaana sidoo kale uu noqday laacibkii ugu wanaagsanaa Asian Cup 2011.

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9656

Posted by on Dec 6 2012. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login