|

Netherlands: Waxaa la Saadaalinayaa in Baraf xoogan uu da,idoono Habeenka khamiista ilaa Maalinta Jimcaha.

Waaxda Saadaasha hawada ee dalka Netherlands ayaa Maanta soo saaray Digniin ku aadan Cimilada qabowga iyo Barafka da,a xiliyada Winter-ka, iyagoo sheegay in Caawa ay suuragal tahay in baraf uu soo da,o hase ahaatee saadaasha waxa ay muujinaysaa in Baraf xoogan oo joogiisa uu gaarayo ilaa 10 cm uu da,idoono habeenka khamiista ilaa maalinta xigta ee jimcaha ayay yiraahdeen.

Waaxda oo Websitekooda Weerplaza.nl ku soo qoray digniintaan ayaa sheegay in barafka xoogan ay la socon karto dabeyn iyana aad u xoogan oo sii xumaynaysa cimilada taasoo qabowgana uu gaaridoono ilaa -10 sida ay sheegayaan, waxaana ay intaasi ku dareen in cimiladii jiilaalka ama winterka ay si dhab ah u bilaawanayaan Maalinta jimcaha ee nagu soo food leh.

Waxaana ay ka digayaan in si taxadar leh loo wado gawaarida iyadoo gabowgana uu hoos u sii dhacayo waliba maalinta sabtida oo ay sheegeen in qabowga uusan caadi aheyn taasoo laga yaabo in mar mar ay cadceeda soo iftiinto.

Cimilada ayaa qabow ahaandoono todobaadka soo socda oo dhan balse waxaa ugu daran barafka xoogan ee saadaasha ka muuqata ayay yiraahdeen iyadoo dabeylna ay jiridoonto sidaas darteed ayaan dadka ugu sii digaynaa in ay la socdaan isbedelka cimilada oo saameyn badan ku yeelan kara isu socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ayay yiraahdeen

 
Fogaan Arag News

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9619

Posted by on Dec 5 2012. Filed under Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login