Madaxweyne Xasan Sheekh oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Dalka Turkiga + Sawiro
Madaxweynaha Dalka Turkiga Abdullah Gul ayaa Maanta si heer sare ah ugu soo dhoweeyay Magaalada Ankara dhigiisa Dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, waxaana Munaasabad weyn loogu qabtay Aqalka Madaxtooyada dalkaasi ee Magaalada Xarunta ah ee Ankara.
Intii Xaflada Soo dhaweynta ay socotay waxaa la garaacay astaanta labada dal iyo 21 Xabadood oo loogu talagalay Soo dhaweynta Madaxweynaha  Soomaaliya
Labada Madaxweyne ayaa waxaa la filaa in ay qabtaan Shir Jaraa,id kadib marka ay dhameystaan Kulamada gaar gaar ah ee u qorsheysan kuwaas oo qaarkood ay la yeelanayaan wafuud caalami ah.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo ah kii ugu horeeyay ee dalka dibadiisa uu ugu baxo ayaa waxa Martiqaad u fidiyay Madaxweyne Abdullah Gul.
Meelaha uu durba Booqday Madaxweynaha waxaa ka mid ah Madxafka Anitkabir oo ah aas aasihii Jumhuuriyada Casriga ah ee Turki Mustafa Kemal Ataturk oo dalkaasi ku hogaamisay in uu qani noqdo.
Waxaana uu halkaasi ku saxiixay Booga gaarka ah ee Anitkabir.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9555








