|

Netherlands: Calanwade u Dhintay Jirdil ay u Gaysteen Ciyaartow.

Calanwade 41 jir ah ayaa u dhintay jirdil ay u gaysteen seddex dhalinyaro Ciyaartow ah oo aad ugu carooday qaabka garsoorka Ciyaart oo dhamadkii todobaadkii hore ka dhacday Magaalada Almere ee dalka Netherlands.

Richard Nieuwenhuizen oo ahaa Calanwadaha dhintay ayaa waxaa weeraray dhalinyaro ka tirsan Naadi ka dhisan Amsterdam ee Nieuw Sloten oo Ciyaar iska baashaal ah la lahaa Naadi kale oo ka dhisan Almere ee Club Buitenboys.

Seddex dhalinyaro ah oo ka tirsan Naadiga ka socday Amsterdam Nieuw Sloten ayaa si xun u jirdilay  iyadoo kadibna loola cararay Cisbitaalka, halkaas oo uu ku galay xaalad ku dhowaad miir beel ah, ugu dambeyna waxaa la shaaciyay in shalay galinkii dambe uu u dhintay jirdilkii loo gaystay.

Seddexda dhalinyarada ah ayaa illaa iyo hada u xiran dilkaasi, iyadoo booliiska aysan meesha ka saarin suuragalnimada in dhalinyaro kale loo soo xiro dilkaasi.

Wasiirka Sports ka Edith Schippers ayaa soo saaray war uu ku sheegay in geerida Calanwadaha ay tahay wax aad looga naxo, waxaana uu intaasi ku daray in dhimashadiisa ay sii xumaysay kiiska oo markii hore ula muuqday dambi caadi ah oo mar mar iska dhaca.

Xiriirka  Ciyaaraha Netherlands ayaa hada baaraya sida uu u dhacay weerarka, waxa ayna soo saareen war ay ku sheegeen in wax aad looga xumaado ay tahay in dhalinyaro balwadooda ay tahay Kubada ay ku kacaan fal noocaan ah.

dhalinyarada sababta u noqday dhimashada Calanwadaha ayaa waxaa lagu sheegay in aysan xirfadooda aheyn Kubada oo ay u Ciyaarayeen oo kaliya balwad ahaan Ciyaartana ay aheyd mid iska baashaal ah oo labada naadi ay si farxad ah u wadaagayeen.

 

Fogaan Arag News

 

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9540

Posted by on Dec 4 2012. Filed under Ciyaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login