Somaliland: Doorashadii Dowlada Hoose oo la Xaqiijiyay in si Nabad iyo Cadaalad ah ay u dhacday
Kormeerayaashii Caalamiga ahaa ee la socday qaabkii ay u dhacay Doorashadii dowlada hoose ee Somaliland ayaa maanta xaqiijiyay in codbixintaasi ay u dhacday qaab cadaalad iyo nabad ah hase ahaatee waxa ay walaac ka muujiyeen nidaamka sugida amaanka doorasho noocaas ah oo ay sheegeen in uu liitay.
Doorashadaan oo Somaliland ka dhacday 28 Novenber ayaa waxaa ku tartamayay 2,300 oo musharax oo u taagnaa 379 kursi oo kuwa dowlada hoose ah.
Kooxda kormeerayaasha caalamiga ah oo ka koobnaa 50 xubnood oo aduunka ka socday ayaa waxaa soo agaasimay hay,ad gargaar oo Ingiriis ah, waxaana ay cadeeyeen in codbixinta ay u dhacday si cadaalad iyo amaanba leh iyagoo ku amaanay guddiga doorashada sida ay u maareeyeen iyo wada shaqeyntii wanaagsaneyd ee dhex martay mudadii ay kormeerka ku joogeen Somaliland.
Hase ahaatee Kooxda kormeerka ayaa sheegay in ay jireen waxyaabo laga welwelo oo badankooda ku salaysnaa nidaamka diiwaan galin iyo amaanka la xiriirka codbixinta oo liitay.
Waxaana ka mid ah waxyaabahaas sida ay Kooxda sheegeen qada farta loo marayo dadka codeeyay oo aheyd mid si sahlan loo tirtiri karo oo bixinaysay sawir ah in aanan la kala garan karin qofkii horay u codeeyay iyo qofka kale ee hada un raba in uu codkiisa dhiibto.
Natiijada Codbixintaasi ayaa la filayaa in ay soo baxdo maalmaha soo socda iyadoo kooxda kormeerayaasha caalamiga ahna ay soo saarayaan war bixin kale kadib marka natiijada la shaaciyo taas oo noqondoonto warbixinta ugu muhiimsan ee guddiga.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9512
