Netherlands: Stichting loogu Magac Daray Koonis oo Denhaag looga dhawaaqay +Sawiro
Magaalada Denhaag ee waddanka Holland dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa maanta 2/012/2012 kaga dhawaaqay hay’ad cusub oo loogu magac-daray Stichting Koonis, waxaana sida uu sheegay Guddoomiyaha hay’adda Stichting Koonis C/raxmaan Guure Max’ed (C/raxmaan Gentelman) hay’addani ay ka qeybqaadan doontaa wacyigelinta dhalinyaradda, caawinta hooyooyinka iyo caruurta, dhiiragelinta isboortiga & adeegyadda kale ijtimaaciga ah ee Soomaalida lagama maarmaanka u ah, wuxuuna xusay in hay’addani ay wax baddan kaga duwanaan doonto ururada & hay’adaha kale ee ka dhisan waddanka Nederlands, ayna horseed u noqon doonto Soomaali aan cid kale wax ka sugin oo dhexdeeda is caawisa, waxna wada qeybsata, isagoo intaa ku daray in hindisaha lagu aasaasay hay’addani ay ka timid dad aqoonyahanno isugu jira wiilal & gabdho ku kala sugan waddamada Soomaaliya, Holland, Ingiriiska, Sweden, Norway, Masar, Mareykanka & Canada.
“Xafiiska hay’addu wuxuu ku yaalaa Amsterdam wuxuu noqonayaa xafiiskii ugu horreeyey ee hay’adda Koonis furato, ujeedada loo aasaasay hay’adduna waa in lagu baraarujiyo Soomaalidu inay isu diir-naxaan, ayna u dhaqmaan sidii in ay yihiin hal qoys” ayuu yiri C/raxmaan Guurre, wuxuuna intaa ku daray in ururo tiradoodu kor u dhaafeyso 100 ay ka jiraan Holland, haddana waxqabadkoodu yahay mid aad u kooban, tiiyoo ay Soomaalidu ka mid tahay bulshadda ugu dulman marka la eego ajnabiga waddanka ku sugan, haddii ay tahay dhinaca horumarka dhaqan dhaqaale & haddii ay tahay dhinaca isku xirnaanta, wuxuuna xusay in Soomaalidu u baahan tahay jiil cusub oo u fura bulshadda Soomaaliyeed ee tiradoodu gaareyso 17-ka kun ee Holland ku dhaqan in ay noqdaan ummad aayahooda ka tashada meelna uga soo wada jeesta in ay u midoobaan danta & maslaxada ka dhexeysa.
“Saxaafaddu waa qeyb muhiim u ah nolosha bulsha kasta oo ku taameysa in ay asaageed la jaan-qaado, waxeyna saxaafadu awoodi kartaa in ay saxdo qaladaadka ay qolo kasta ku dhacdo, weliba si asluubeysan oo shuruucda saxaafadda qaabilsan. Anigu maadaama aan dhanka saxaafadda ka soo galay howshan ururadda, oo aan ahaa saxafigii ugu horreeyey ee yimid Holland marka laga hadlayo jiilkan cusub ee suxufiyiinta ah ee waddanka yimid 10-kii sano ee u dambeeyey haddana saxaafadu runtii waa tiir haddii howsheeda lagu ixtiraamo horseedi karta in ay ummad dhan oo qarka u saaran is-daldalaad in ay badbaadiso” ayuu yiri Guure, wuxuuna xusay in habka ay saxaafadu wax ku sixi karto ay tahay in hab cilmiyeysan oo aan mugdi ku jirin ugu soo bandhigto bulshada qaladaadka damaaciga ku dhisan ee ay ku dhacaan qaar ka mid ah ururada Soomaalida oo dhaqaale aan qiyaas laheyn ka qaata hay’adaha samafalka, kuna andacooda in ay gaarsiinayaan Soomaalida ku dhibaateysan qaar ka mid ah gobolada dalka.
Guure oo saxaafaddu weydiisay su’aalo dhowr ah wuxuu ammaanay ururo Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka dhabbeeyeen howlaha ay bulshadda Soomaalida u hayaan, wuxuuna ururadaasi ku tilmaamay kuwa ku dayasho mudan.
“Annaga {Stichting Koonis} haddii aan nahay waxaan ku dayaneynaa oo {rol-model} inoo ah Cali Waare (SOMVOA) & Drs. Faadumo Faarax (Hirda) oo ah labbo qofood oo bulshadda Soomaaliyeed ee Holland ay waxqabadkooda ku faani karto” ayuu yiri Guurre, wuxuuna intaa ku daray inuu ku daray in qolo kasta wixii wanaag ah oo sameyso lagaga daydo
“Waxaan dooneynaa inaan weji cusub u furno ururada & hay’adaha Soomaalida ah, oo aan uruurino dad Soomaaliyeed oo isku tashada, waxna wada qabsada, oo aan gacmaha u hoorsan” ayuu yiri Guurre, wuxuuna intaa ku daray in riyadiisu ay tahay inuu arko Soomaali mideysan oo ka tashada aayahooda.
Kulankan waxaa sidoo kale ka hadlay Max’ed Khaliif Daahir oo ka mid ah odayaasha magaalada Denhaag, Shamsudiin Xassan Cabdulle (Diinow) oo ka mid ahaa ciyaartoydii Ex. naadigii Wagad, Guddoomiyaha odayaasha magaalada Denhaag Cabdalla Xuseen Max’ed (Xundoow), Ciire Muxudiin Cali (Ciire-tool) oo ka mid ah dhalinyarada ugu firfircoon magaalada Denhaag. Daahir Cali Abtidoon oo ka mid ah dhalinyarada magaalada Denhaag oo isna goobta ka hadlay wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo magacaabista ururada bulshadda Soomaaliyeed wax u qabanayo.
Fogaan Arag News
Halkan ku hagaaji wixii ra’yi ama talo ah.
E-mail: koonismedia1@gmail.com
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9489

![2[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/21.jpg)
![3[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/31.jpg)
![4[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/41.jpg)
![5[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/51.jpg)
![6[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/61.jpg)
![7[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/71.jpg)
![8[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/81.jpg)
![9[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/91.jpg)
![10[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/101.jpg)
![11[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/111.jpg)
![12[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/121.jpg)
![13[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/131.jpg)
![14[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/141.jpg)
![IMG_1803[1]](http://www.fogaanarag.com/wp-content/uploads/2012/12/IMG_18031.jpg)