Netherlands: Barafka bilowday Saakay oo loo Malaynaayo in uu sabab u yahay Qof ku dhintay shil ka dhacay Wadada weyn ee Rotterdam A20.
Wadada weyn ee Rotterdam A20 ayaa Maanta laga xiray labada dhinacba kadib markii si halis ah ay isugu dhaceen labo gaari oo mid uu yahay kuwa xamuulka qaada ee waa weyn halkaas oo ugu yaraan uu ku dhintay hal qof.
Booliiska oo wadada dhan xiray Markii uu shilka uu dhacay ayaa sheegay in aanan la xaqiijin karin in Barafka saakay ka bilowday dalka Netherlands uu sabab u yahay shilka dhacay oo sibxasho dhinaca wadada ah ay jirto iyo in kale, waxa ayna intaasi ku dareen in wadada ay xirnaanayso inta laga qaadayo gawaarida isku dhacay.
Wadooyin kale oo ka mid ah dalka ayaa sidoo kale waxaa la sheegayaa in ay ka jiraan dhibaatooyin uu sabab u yahay barafka da,aya oo gawaari badan ay sibxanayaan hase ahaatee ma jiraan wax qasaare ah oo ilaa iyo hada ka dhacay wadooyinka kale.
Ciidamada Amaanka wadooyinka ayaa bixinaya dingiino ku wajahan sibxashada barafka gaar ahaan Bariga wadanka Netherlands oo barafka uu ugu da,ayo si ka badan inta kale ee wadanka gaar ahaan wadooyinka ku yaala gudaha dagaanada oo qasare badan uu ka dhici karo hadii shil uu ka dhaco.
Isu socodka tareenada ayaa sidoo kale la dhimay gaar ahaan kuwa isaga gudba Magaalooyinka Utrecht ,Rotterdam, Dordrecht ,Hague ama Denhaag iyo Vlaardingen si looga hortago dhibaato kasta oo ka dhalan karta Cimilada oo Baraf uu Maanta ka bilowday Dalka Netherlands.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9478
