|

Al Shabaab oo Qorsheystay in ay Jawaab ka bixiyaan Go,aan Barlamaanka Netherlands ay ku ogolaadeen in la aflagaadeen karo Allaah (SW)

Kooxda Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya Al Shabaab ayaa qorsheynaysa in ay Weerarto dalka Netherlands kadib markii Baarlamaanka Holland uu ansixiyay qodob fasaxay in la aflagaadeen karo Illaah oo ay ku sheegeen in aysan dambi noqon doonin hadii wax laga sheego xumaan iyo wanaag intaba.

Madaxa Dacwada Al Shabaab Fu,ad Shongole oo la hadlay Idaacad ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa si ayaa si weyn ugu hanjabay dalka Holland isagoo sheegay in Cawaaqid xanuun badan ay kala kulmidoonaan go,aanka ay ku dhiiradeen.

”Qofna ma sifeyn karo muuqaalka Illaah, waxaana doonaynaa in aan ka jawaabno go,aanka ay qaateen Baarlamaanka Holland” sidaasi waxaa yiri Fu,aad Shongole.

Hase ahaatee ma faahfaahinin qaabka ay noqondoonto jawaabta ay ka bixindoonaan qodobka Baarlamaanka Holland ay ansixiyeen.

Sanadkii 2011 ayay aheyd markii Baarlamaanka Holland ay ansixiyeen in hogaamiyaha xisbiga Islaamka iyo Soogaloootiga neceb ee PVV ninka lagu magacaabo Geert Wilders uu xaq u leeyahay in uu dhaleeceeyo Islaamka.

Kooxda Al Shabaab ayaa horay ugu dhabeeyay hanjabaadyo badan oo ay u jeediyeen dalalka Gobolka Bariga Afrika kadib markii Ciidamadooda ay geeyeen gudaha Soomaaliya gaar ahaan Uganda iyo Kenya oo weeraro Qaraxyo dad ay ku dhinteen ay ka geysteen dalalkaasi.

 

 

Fogaan Arag News

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9462

Posted by on Dec 3 2012. Filed under Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login