|

Qoxootigii ku dhibaateysnaa Amsterdam oo la xiray kadib Markii ay diideen in ay Baneeyaan Meeshii ay Deganaayeen + video

Dadkii Magangelyodoonka ahaa ee Mudada ku dhibaataysnaa goob banaan ah oo ay isaga noolaayeen ayaa maanta halkaasi laga saaray kadib markii Maxkamad ay amartay in sida ugu dhaqsiyah badan ay u banaayaan halkaasi.

Dadkaan oo codsiyadooda magangelyo la diiday gaarayana ilaa boqol qof ayaa saakay waxaa halkaasi ugu tagay Booliiska Amsterdam oo fulinayay amarka maxkamada oo ahaa in ugu dambayn ay maanta baneeyaan halkaasi ay mudada ku noolaayeen.

Booliis badan oo kuwa Amsterdam ah ayaa aroortii hor ee maanta tagay goobtaasi iyagoo ku amray in ay baneeyaan hase ahaatee markii ay diideen ayaa 95 ka mid ah dadkaasi waxaa lagu xiray saldhiga aagaasi, iyadoo qaab nabad ah ay u ogolaadeen in la xiro .

Ilaa iyo 80 qof oo taageerayay Magangelyadoonka ayaa halkaasi isugu soo baxay iyagoo isku dayay in aanan meesha laga burinin oo ay isaga noolaadaan hase haatee waxaa xakameeyay Booliiska oo qaarkood watay farda waa weyn.

Go,aanka meesha looga raray qoxootigan ayaa waxa uu Maxkamada ka soo baxay Arbacadii kadib markii laga cabsaday in nadaafad darada halkaasi ka jirta ay saameynso degaankaasi oo dhan waayo qoxootiga ma haystaa biyo iyo musqulo iyadoo qarashinkana aanan laga nadiifin halkaasi tan iyo markii ay dageen.

Qoxootiga waxaa halkaasi ugu dhisnaa teendhooyin yar yar oo aanan ka celin karin qabowga iyo roobka, wax raashiin ahna kuma haysan marka laga raabo dadka degaanka oo u geynayay wax xoogaan aanan ku filneyn.

Sharciga Netherlands ayaa qaba in qofkii la diido codsigiisa magangelyodoon uusan wax xaq ah ku laheyn dalka.
Halkaan ka daawo



Fogaan Arag News

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9366

Posted by on Nov 30 2012. Filed under Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login