Netherlands: Magangalyodoonkii ku Dhibaataysnaa Amsterdam oo lagu Amray in ay Baneeyaan goobta Banaanka ah ee ay ku noolyihiin
Qoxootigii Magangalyada loo diiday ee ku dhibaataysnaa wadooyinka Magaalada Amsterdam ayaa waxaa lagu amrey in ugu dambayn Maalinta jimcada ah ee bari ay baneeyaan goob banaan ah oo ku taallo Amsterdam Osdorp halkaas oo muda ay ku noolaayeen.
Qoxootigaan oo ay ka mid yihiin dad Soomaali ah oo rag iyo haweenba isugu jira ayaa tiradooda waxa ay gaaraysaa 130 qof, waxaana soo baxay amar maxkamadeed oo ah in goobtaasi ay baneeyaan.
Kadibna Duqa Magaalada Amsterdam Eberhard van der Laan oo fulinaya go,aanka Maxkada ayaa u qabtay ugu dambayn ay halkaasi ka guuraan maalinta jimaca ah ee Bari.
Go,aanka Maxkamada ayaa waxaa lagu sheegay in xaalado xaafimaad daro oo halis ah ay ka jiraan goobtaasi sababtoo ah ma haystaan waxyaabihii nolosha lagama maarmaanka u ahaa sida biyo, koronto iyo musqulo ay isticmaalaan iyadoo gashinkana aanan laga nadiifin.
Waxa ayna arintaasi qatar caafimaad ku tahay dadka ku dhaqan degaankasi ayaa lagu yiri go,aanka maxmakada.
Duqa Amsterdam Van der Laan ayaa horay si ku meel gaar ah how u siiyay qaar ka mid ah qoxootiga gaar ahaan kuwa dib loo fiirinayo dacwadoooda.
Qaxootiga dib loo fiirinayo dacwadooda oo gaaraya 40 qof oo ka mid ahaa qoxootiga dhibaataysnaa ayaa waxa ay ku doodayaan in aysan dib ugu laaban karin dalalkooda amaankooda awgii ama in aysan haysan Documenti ay ku laabtaan.
Sharciga Dalka Netherlands ayaa waxa uu qorayaa in qoxootiga la diiday codsiyadooda aysan xaq u laheyn in la dejiyo ama ay ku noolaadaan dalka Holland, waxa kaliya ee u furanna ay tahay in ay aqbalaan qaabkii loogu caawin lahaa dib u celinta Dalalkooda.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9351
