Xulka kubada cagta ee soomaaliya oo mar kale lakulmay guuldaradii labaad.

Ciyaar aad Xiiso badan ayaa galabta waxa ay ka dhacday Garoonka Kubada Cagta dalka Uganda iyadoo markaa ay ku loolamayeen labada Qaran ee dalalka Sudan iyo Soomaaliya ayaa waxa ay kusoo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday dalka Sudan.
Ciyaarta ayaa waxa ay aheed mid aad u adkeed oo labada dhinac aay is weedarsadeen kubado aad loo soo xirfadeeyay taaso ciyaarta gelinkii danbe ku soo gaba gaboobday 0-0 ayaa ciyaarta waxaa kaarka jaalaha (yellow car) garoonka ka aruusaday xulka Sudan ciyaaryahan Musaidris Mohammed (Yellow Card) Faris Abdallah (Yellow Card) Sami Abdallah (Yellow Card).
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa bilaabatay dar dar adag iyo labada xul iyaga oo bedel suubiyay ayaa waxaa xulka dalka Sudan waxaa u suuro gashay in ay goal helaan daqiiqadiihi ugu danbeeyay sidaasina ay guusha ku raacday dalka Sudan.

Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ciyaareen labo ciyaar iyadoo ciyaartii koowad ay la ciyaaren xulka Burundi waxa looga adkaaday 5-1 balse ciyaartani ayaa waxaa la saadalinayay in ay bar baro ku soo dhamaandoonto balse daqiiqadii 85 ayaa waxaa goalka u saxiixay ciyaaryahan ‘Mohammed Farid
Xulka Soomaaliya ayaa waxaa ay waxa ayna Maanta mar kale la kulmeen guul daradii 2-aad ee Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa.
Fogaan Arag Sports
fogaanaranews@gmail.com
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9321
