Wariye Ibraahim Maxamed Aadan oo si Xaqdara ah loogu hayo Xabsiga Xukun la,aan
Maxkamada Ciidamada Soomaaliyeed ayaa u lagu eedeynayaa in aysan wax dan ah ka laheyn baaqyada ka imaanaya qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ee Warbaahiyayaasha ay ugu horeeyaan kadib markii ay xabsiga dhigeen Wariye Ibraahim Maxamed Aadan oo BBC Somali ugu soo warami jiray Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Soomaaliya.
Maxkamada ayaa ku haysata Ibraahim in uu ka baahiyay war been ah oo ah in Maxkamada ay dishay askari ka tirsanaa Ciidamada, oo uu ka soo xigtay nin wareysi cod ah ah siiyay oo uu ku sheegay in Maxkamada ay dishay ina adeerkiis oo ka tirsanaa Ciidamada.
Hase ahaatee Masuuliyiinta Maxkamada oo sheegay in aysan waxba ka jirin ninka la dilay ayaa Ibraahim ugu wacay Xauntooda kadibna xabsiga dhigay balse waxyaabaha la isweydiinaya ee Maxkamada ay ku deg degtay ayaa waxaa ka mid ah in kiiska qof shacab ah ay qaado Maxkamad Ciidan iyo in Wariyaha oo luguhiisa ugu tagay ay xabsiga dhigaan iyadoo aysan jirin wax go,aan maxkamadeed ah oo ku cadeeyay in uu dambi ka galay.
Waxaa kaloo muhiim ah in hadii dacwad ay u qabaan ay aheyd in kiiska Maxkamada ay geeyaan kadibna Ibraahim Maxkamada loogu yeero si loo kala cadeeyo eedeymaha loo haysto balse ma aheyn in ay xabsiga dhigaan sida qof dadka dhibaataynaya oo dhibka uu faraha kula jiro owgiis lagu qasban yahay in la xiro.
Waxaa kaloo Ibraahim uu ku amaanan yahay in uu lugihiisa ku tagay Xarunta Maxkamada Ciidamada si uu u dhagaysto dambiga ay ku haystaan kadibna ay u xaliyaan si macquul ah hadii taas ay isku afgaran waayaana ay ku kala baxaan go,aan maxkamadeed oo mida rayidka ah maadaama uusan aheyn Askari xaqna aanan loogu laheyn in kiiskiisa la geeyo Maxkamad Ciidan.
Waxaa kale oo jira warar sheegaya in xaalada xabsiga lagu xiray aysan fiicneyn oo qofkii ku jira waqti kooban ay ku dhacayaan Cudurada Maqaarka maadaama dad badan ay ku xiran yihiin oo qaarkood loo haysto dambiyo waa weyn oo aanan wanaagsaneyn in hal meel lagu wada xiro dad eedeysan iyo kuwa la xukumay oo laga yaabo in ay qabaan dhibaatooyin caafimaad iyo mid maskaxeed oo halis ay ku galin karaan dadka nadiifka ah ee ku eedeysan waxyaabo si sahlan loo xalin karo.
Ugu dambeyn waxaa jira dadaalo bahda warbaahinta iyo ururada u dooda xuquuqul insaanka ay wadaan oo lagu soo bandhigayo xadgudubka loo geysanaayo Ibraahim in uu ka daran yahay waxa lagu eedeynaayo oo raga ka dambeeyana ay ku soo oogayaan in ay cadeeyaan sababta ay waqtiga intaa le,eg ugu hayaan xabsiga, taas oo suuragal ka dhigi karta in dambi lagu helo Masuuliyiinta ku fududaaday Xarigiisa.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9312
