Dhimasho Deg Deg ah oo ka dhalan karta Daawooyin iyo Miraha Alcolada laga sameeyo oo la isku Qaso +video
Cilmibaarayaan Canadiyan ah ayaa ka digaya in aanan la isla isticmaalin  daawooyinka iyo miraha geedaha gaar ahaan kuwa laga sameeyo qamriga ee ay ka mid yihiin liinta Orange Juice ama mariidiga iyo canabka sababtoo ah way isla falgalaan kadibna waxa ay isu badelaan sun qatar galin karta naftaada ayay yiraahdeen.
Dhaqaatiirta ayaa xusay in muda ku dhawaad labaatameeyo sano ay taagneyd walwalka laga qabay iyadoo dad badan oo ka cabanaya arimaasina la arki jiray hase ahaatee hada ayay noo cadaatay in qatar weyn ay leeyihiin marka la isku qaso ama hal mar la wada isticmaalo ayay yiraahdeen.
Dr David Baily oo ka tirsan Jaamacada Western Ontario ee Canada oo ka hadlay Qatarta uu la kulmi karo qofka qaata daawooyinka qaar ee hadana isticmaala miraha noocaan ah amma Qamriga caba isla waqtiga uu isticmalo daawada waxaana ka mid ah uu yiri dhimasho deg deg ah, kelyaha oo shaqada gaba, dhiig furan dhinaca mandhicirada ah iyo habdhiska neefsiga jirkiisa oo shaqada gaba.
David Baily ayaa intaasi ku daray in afartii sano ee ugu dambaysay ay si weyn u fahmeyn qatarta ay leeyihiin falgalka ay sameeyaan daawooyinka iyo mirahaasi iyadoo taasna ay keentay caafimaad daro baahsan oo aanan lagu baraaruqsaneyn, ilaa iyo hadana waxaa noo cadaaday in 85 daawooyin ay si toos ah ula fal galaan mirahaasi, ayuu yiri.
Daawooyinkaas oo fara badan waxaa ka mid ah kuwa loo qaato wadna xanuunka, kuwa la is duro iyo qaar ka mid ah kuwa hurdada laga raadiyo hase ahaatee waxa muhiim ah in qofka uu dhaqtarkiisa waydiiyo waxa ay ka kooban tahay daawada uu qaadanaayo iyo in ay la falgali karto Miraha la ogaaday in ay isla falgalaan, waxaana mirahaasi ugu badan kuwa Alcolada laga sameeyo oo Aronjada iyo Canabka ay ugu horeeyaan.
Halkaan Ka daawo daraasada laga sameeyey oo la shaacinaayo.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9307
