Sydney: Xeeb laga kala Cararay kadib markii Midabka Biyaha ay guduud noqdeen +Sawiro
Xeeb caan ah oo ku taallo Magaalada Sydney ee Dalka Australia oo loo dalxiis tago ayaa waxaa ay u ekaatay sida muuqaal Filim Cabsi oo dadkii ku dabaalanayay ku qasabay in ay ka cararaan kadib markii si lama filaan ah ay qeyb ka mid ah biyihii isu badeleen guduud sida dhiiga oo kale ah oo geesahana ka ah midab yara cayaar xigeen ah.
Xeebtaan oo lagu Magacaabo ”Bondi Beach” ayaa waxa ay u dhowdahay Clovelly Beach iyo Gordon’s Bay waxaana islamarkiiba tagay xeebta masuuliyiin ka socda waaxda Caafimaada Sydney oo tijaabiyay biyaha si loo xaqiijiyo in midabka guduudka ah ee biyaha dulsaaran uu yahay sun iyo in kale.
Xeebta oo gabi ahaanba la xiray dadkana laga saaray intii baaritaanka uu socday ayaa galinkii dambe ee shalay oo aheyd markii midabkaasi lagu arkay biyaha, xeebta dib loo furay iyadoo dhaqaatiirana ay ku sheegeen in Midabka guduudan uu yahay fal celin ama reflection ay bixinayaan biyaha kadib marka ay ku dhaceen falaaraha iftiinka sita ee qoraxda, mana lahan wax dhib ah oo weyn ayay yiraahdeen.
Midabka noocaan ah ee biyaha ay yeeshaan ayaa ah wax naadir ah oo ka dhasha cimilada kulul ee hawada qoyan wata, Dalka Australiana waxaa hada u bilaawanaya Summer ama xagaaga ooku beegan bilowga bisha December .
Inkastoo wax dhib ah oo weyn aan lagu sheegin midabka biyaha ee isbadelay hadana waxaa jirta digniin ku aadan suuragalnimada in qeybta guduudan ee biyaha ay keeni karaan cuncun Maqaarka ah sidaas darteed waa in taxadar loo yeeshaa arintaasi ayay yiraahdeen dhaqaatiirta.
Iyadoo digniintaasi la bixiyay ayaa hadana waxaa la arkayaa dad aanan dheg jalas u siinaynin oo ku dabaalanaya xeebta , waxaana ka soo baxaya biyaha urta kalluunka oo saa,id ah.
Horaantii bishaan ayaa waxaa xeebtaasi Booqday Prince Charles oo u xusayay dabaaldegii Daimond Jubilee ee Boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth II oo la xusaayay Markii ay qabatay Boqortinimada.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9277




