KLM oo lagu Dacweeyay Haweeney ay Diiday in ay qaado Maadaama ay aad u Buurneyd +video
Shirkada Duulimaadka ee laga leeyahay Dalka Netherlands ee KLM ayaa waxaa soo wajahay dacwad magdhow ah oo Malaayiin doolar ah kadib markii ay diideen in ay qaadaan haweeney Mareykan ah oo aad u buuran.
Haweeneydaan oo lagu Magacaabo Vilma Soltesz oo aad u buuran ayaa miisaankeeda lagu sheegay 425 kilo, waxa ayna isticmaashaa kursiga jiisaska waayo hal lug ayay curyaan ka tahay.
Bishii October ee sanadkaan ayay aheyd markii KLM ay diiday in ay qaado Haweeneydaasi xiligaas oo iyada iyo odaygeeda ay dalxiis ku joogeen Dalka Hungry oo guri labaad ay ku leeyihiin.
”Waxa ay isku dayeen in ay saaraan qeybta dambe ee Diyaarada laakiin ma aysan damaanad qaadi karin amaankeeda” sidaasi waxaa yiri Odaygeeda Janos Soltesz oo la hadlay New York Post.
Isagoo intaasi ku daray in xitaa kursiga dambe ee la isku dayay uu xamili waayay culeyska xaaskiisa.
Haweeney u hadashay KLM Ellen van Ginkel ayaa iyana sheegtay in ay isku dayeen waxkasta oo suuragalin karay in ay qaadaan laakiin buurnaanteeda ayaa noo saamixi waysay xitaa hadii aan u dheeraynay suumanka kuraasta ayay tiri
Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in dadaalo kale oo la isku dayay in la saaro dayaarado kale oo ay ka mid tahay Lufthansa lagu guuldaraystay, hase ahaatee dawcada ayaa waxa ay ka dambaysay kadib markii maalmo kadib waqtigaasi ay ku dhimatay Hungary iyadoo xitaa diiday in ay booqato dhaqtar Hungari ah waayo waxa ay aad ugu xanaaqsaneyd duulimaadka loo waayay xili waliba ay aad u xanuunsanaysay.
Odaygeeda ayaa hada dacwad ku furay KLM iyo laba diyaaradood oo kale isagoo ku eedeynaya in ay jirtay qaab un ay u soo qaadi kareen balse aysan masuuliyad iska saarin taasna ay sabab u aheyd dhimashadeeda waayo waxa ay doonaysay in ay u timaado dhaqtarkeeda ayuu yiri.
Shirkadahaan ay ugu horayso KLM ayaa waxaa laga yaabaa in ay bixiyaan magdhow gaaraya ilaa 6 malyan oo doolar.
Halkaan Ka Daawo Waxa laga leeyahay Diyaaradaha iyo dad buurbuuran
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9270
