Shir Jaraa’id ay Si wada jir u qabteen Wasiiro Arrimo dibadedka Somalia iyo Kenya Maxay ku hishiyen+dhagayso
Halkaan ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Labada Wasiir ay ku qabteen Neyroobi.
Halkaan Ka Dhagayso Shirka Jaraaid labada wasiir
Sam Ongeri:“Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arrimaha dibadda , Fowsiyo Yuusuf Xaaji,Safiirka Somali u joogo Kenya,iyo dhamaan saraakiisha wasaaradda,waxaa yeelanay kulan wasiirka arrimaha dibadda somalia iyo aniga,waxaana kaga hadalnay arrimo badan waxana kasoo saarnay hadal wadajir ah,waa booqashadii ugu horeeysay ay Kenya ku timaado Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda,waxaa kugu salaamaya salaanta Afrika Sacaadu wasiir,
Fowsiyo,”Sacaadadu wasiir,Ambasadoor,aad ayaa ugu faraxsanahay inan halkaan ku sugnaado waana booqashadaydii ugu horeysay aan ku imaado kenya anigoo ah Ra’iisul Wasaare xigeen ahna wasiirka Arrimaha dibadda somalia,kulankii aan yeelanay wuxuu ahaa mid faa’iido leh oo miro dhal ah,aad ayaana ugu faraxsanahay inaan halkaan imaado,aan ku warejiyo Sacaadu wasiir.
Sam Ongeri”Aad iyo aad ayaa u Mahad santahay, Ka hor inta aan aqrin warsaxaafadeedka Waxaa Rabaa qof kasto inuu ogaado in Somalia iyo Kenya ay leeyihiin dhaqan gaar iyo mid guud intaba,waxa ka dhacaya somalia waa arrin wanaagsan oo u wanaagsan labadeena,Somalia waxay dib ugu soo labanaysaa oo ay bilaawday inay awooddo in ay dib ugu soo laabato hadafkeeda saxda ah.
Waxaynu nahay daris isku dhow,waxaana ka qeyb qaadanaynaa sida dalalka kale gobolka xaqiijinta labada xasilinta,nabadeynta iyo horumarinta dalka somalia si guul looga gaaro hadafka dadka soomaliyeed,sidoo kale in guul laga gaaro ujeedada dadka reer Kenya,xaqiiqda dhabta aan u qabtay shirka jaraa’id waxan wada hadal muhiim ah aan kula yeelanay Neyrobi Wasiirka Arrimaha dibada somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo booqasho ku timid Kenya 26 ilaa 27-ka bishan November waxayna noo soo gudbisay fariin ay ka waday madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Shekh Maxamuud isla markaasna ka wada hadalnay arrimaha labada dal ka dhaxeeya,wada hadalkana wuxuu dhexmaray labada wasiir arrimo dibadeed waxana diiradda ku saarnay sidii aan ugu wada shaqeyn lahayn inaan diiradda saarno hanaanka hirgalinta dimoqraadiyadda iyo dib u dhiska somalia.
Kenya oo kaashanayso Ururka GCC waxay somalia ka caawinaysaa dhismaha Tababarada Kalluumaysiga,dastuurka iyo qeybaha kale ee horumarinta, labada wasiirna sidoo kale waxay mar kale ku celinayaan inay iska kaashanayan, nabadda,Amaanka iyo xasilininta somalia waxayna ku hishiiyeen inay si wada jir ah ugu shaqeeyaan arrintaas.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9247
