Amaanka Muqdisho oo noqday Caqabada ugu weyn ee ku hor gudban Dowlada
Dowlada Soomaaliya oo Garowsatay in ay la shaqeyn la,dahay Amaanrada ka jirta Muqdisho ayaa hada qorshaynaysa in si dhab ah u wajahdo soo celinta amaanka iyo kala dambaynta Magaalada Caasimada ee Muqdisho iyadoo u maraysa nidaam waafaqsan sharciga federaalka ah ee dalka u dagan.
Kulan xasaasi ah oo Madaxda dowlada iyo saraakiisha sar sare ee ciidamada ay ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa la iskula gartay in Amaandarada muqdisho ay sabab u yihiin isbaarooyin dhexdaadsan Magaalada kuwaas oo dhalinyaro da,yar ay dadka ku baadaan xili Magaca Muqdisho iyo Soomaaliyaba lagu bixiyo malaayiin doolar oo lagu suntay nabad ku soo celintta Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay saraakiisha iyo Madaxda kale ee Kulankaasi ka qeyb gashay ayaa xaqiijiyay in 65 isbaaro oo shacabka lagu baado ay dhex yaalaan Magaalada kuwaas oo dowlada ay garanayso dadka ay u yaalaan iyo dhaqaalaha baada ah ee shacabka ay sida xooga ah ugu qaataan Maalin walba, sida uu sheegay.
Waxaa kaloo uu Muujiyay in aysan dowladnimada u gudbi karin ilaa magaalada ay noqoto meel Amaan ah oo ka xorowda isbaarooyinka isagoo amar ku bixiyay in la qaado howlgal balaaran oo ka dhan ah isbaarooyinka dadkii isku daya in ay difaacaan ama soo raadsada qoryaha iyo wiilasha isbaarooyinka lagu soo qabqabtana loo caqli caliyo, hadii intaas ay garan waayaana laga qabto shacabka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlo falalka kufsiga ah ee dhalinyarada hubaysan ay u gaystaan haweenka, isagoo muujiyay sida ay u sheegan karaan in ay madax u yihiin shacab wiilashooda yar yar ah oo hubaysan ay kufsanayaan gabdhihii la dhashay, waxaana uu tusaale u soo qaatay dhacdo naxdin badan oo habeen aanan fogeyn ka dhhacday muqdisho kadib markii nin waayeel ah lagu horkufsaday xaskiisa oo iyana da,ah.
Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in dowlada ay ku howlan tahay dejinta sharci waafaqsan nidaamka dalka oo qoraya in la dilo qofkii ku kaca kufsi oo uu yiri waxa uu ka mid yahay waxyaabaha noo qorshaysan ee sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo saaridoono.
Dowlada Soomaaliya ayaa muhiimada ugu badan ee shaqadeeda saaraysa soo celeinta amanka iyo kala dambaynta oo marka hore ka bilaawaysa Muqdisho kadibna u gudbidoonto gobolada dalka sida ka muuqata hadalka Madaxweyne Xasan hase ahaatee waxyaabaha isweydiin mudan ayaa ah Maxay qabtaan oo qarashaka malaayiinka doolar ah bil walba loogu bixiyaa Ciidamada Nabad ilaalinta Amisom hadii amaankii muqdisho ay qalqal ku hayaan dhalinyaro hubaysan oo dadka baada.
Waqtiga hor le oo adag ayaa u bilaawanaya Dowlada Soomaaliya hadii ay ka dhabayso howlgalada ay damacsan tahay ee lagu soo celinayo amaanka waayo isbaarooyinka waxa ay u yaalaan dad dambiilayaal ah oo ku shaqeysta dhalinyarada da,da yar iyagoo markii lala dagaalamana isku daya in ay hoos galaan qabaa,ilada ay ka soo jeedaan kana dhaadhiciya in qabiilka lagu soo duulay taas oo noqon karta caqabad hor leh.
Balse dowlada ayaa looga fadhiyaa in aysan wax tix galin ah siinin qabiil isku daya in uu difaaco dambiila ka dhashay oo shaqadeeda ay ka wadato hasiise ay damacdo in dambiilo ay kala xaajooto qabiilkiisa waxa ay ku fashilmaysaa howlgalka soo celinta maanka muqdisho kadibna waxaa la garowsanaa in waxba aysan ku soo kordhin karin dowladnimada dalka.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9220
