Xulka Somalia oo laga badiyay ciyaartii furitaanka koobka Cecafa
Ciyaar aad u xiiso badnayn oo dhexmartay xulalka Somalia iyo Burundi ayaa maanta ka dhacday garoonka Mandela ee magaalada Kampala ee caasimada wadanka Uganda.
Kulankaan oo ahaa furitaana Guruubka B ee tartanka bariga iyo Bartamaha Afrika Cecafa kaasi oo shalay ka furmay magaalada Kampala.
Ciyaartaan ayaa ahayd mid aad u xiiso iyo xamasad badan waxaana Somalia ay ku jirtaa ilaa 12 dal oo tartankaan ka qeyb qaadanayay xilligaan oo Uganda ay marti galinayso.
Xulka somalia ayaa ahaa xulkii ugu horeeyay ee gaaray dalka Uganda xulalka martida ahaa isagoo 14 maalmood ka hor tartanka gaaray magaalada Kampala.
Somalia ayaa sanadkaan u ahayd markeedii 23-aad oo ay ka qeyb galayso iyadoo guruubka 2-aad ama Guruub B la galiyay waxaana ay kula jirtaa dalalka Sudan,Tanzania iyo Burundi oo ay la ciyaartay.
Dalalka Sudan iyo Tanzania ayaa tartankaan min saddex jeer halka Burundi ay hal jeer hore u soo gaartay finalaha tartankaan.
Kulan ciyaareedkaan ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday 5-1 oo xidigihii xulka Burundi ay guusha ku raacday waxana qeybtii hore ciyaarta somalia lagu hogaaminayay 2-0 laakin markii la gaaray qeybta kale ciyarta ayaa somalia laga dhaliyay saddex gool kale halka ay iyagana ka heleen waa xidigaha somalia gool rigoore ah kaas oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka weerarka Jibriil Xasan kaasi oo dhaliyay daqiiqaddii 51-aad waa markii ay socotay lix daqiiqo qeybta dambe.
Wadanka Burundi ayaa goolasha waxaa u kala dhaliyay Christopher Nduwaragira,daqiiqadihii 34-aad,iyo 84-aad,halka goolasha saddexleeyda ah uu somalia ka dhaliyay Suleimane Ndikumana daqiqaddii 41-aad,78-aad iyo 88-aad.
Sidoo kale ciyaartii kale ee guruubkan B ayaa waxaa ay dhexmartay xulalka Tanzania iyo Sudan waxayna guusha 2-0 ku raacday wadanka Tanzania iyadoo haatan gurubka uu hogaaminaayo dalka Burundi,oo farqi goolal ku haayo waxana la wadaga saddexdas dhibcood dalka Tanzania halka somalia iyo Sudan aysan lahayn wax dhibic ah.
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9191
