Ciyaaryahanada A.Cole iyo Lampard in ay sii joogeen kooxda Chelsea.

Sida wararka ay sheegayaan in tababaraha dhawaan Chelsea loo magacaabay Rafeal Beniez ayaa shaaca ka qaaday in xidigaha kala ah Frank Lamprd iyo Ashley Cole aysan sii joogi doonin kooxdan wixii ka dambeeyo xili cayaareedkan.
Mr. Benitez ayaa aaminsan in waayihii Lampard iyo Cole uu gabo gabo ku dhow yahay wuxuuna macalinkan sheegay in labadan xidig la fasixi doono, Cole ayaa kusii jeedo kooxda PSG madaama uu gar waaqsaday inaan looga baahneen garoonka Stamford Brdige sidoo kale Lampard ayaa isna dalab ka helay naadiga Guizhou Renhe oo diyaar ula ah inay ka dhigto cayaaryahanka caalamka ugu mushaarka badan, tababare Benitez oo ka hadlaayo mustaqbalka labadan xidig ayaa yiri,
“Ma filaayo in Lamprd iyo Cole ay kooxda lasii joogi doonaan wixii ka dambeeyo xili cayaareedkan inkastoo aan halkan joogi doono mudo gaaban hadana inta aan ka warhaayo Cole iyo Lamprd heshiiska looma kordhin doono” dhanka kale macalinkan u dhashay dalka Spain ayaa ka dhawaajiyay in kulanka maanta ay la cayaari doonaan naadiga Man City uu kusoo bilaabi doono Fernando Torres oo haatan xili adag ku jiro noqdayna cayaaryahan kalsoonida ka luntay wuxuuna yiri “ma doonayo inaan si qoto dheer ooga hadlo arinta Torres balse waxaan hubaa inuu weeraryahan wanaagsan yahay sidoo kalena kulanka maanta wuxuu ka mid noqon doonaa xidigaha aan safi doono”
ugu dambeyntii macalinkan ayaa iska fogeeyay in Chelsea xilkeeda loogu dhiibay sidii uu Torres kaga dhigi lahaa weeraryahan qaab cayaareedkiisii soo ceshto wuxuuna yiri “waxan Chelsea u imid inaan kooxda oo idil caawiyo balse Torres inaan caawiyo uma soo shaqo gelin”
Fogaan Arag Sports
Fogaanaragnews@gmail.com
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9139
