Soomaaliya iyo Brundiya oo Maanta Ciyaaraya Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Xulka Ocean Stars –ka lagu naaneyso ee Somalia ayaa maanta kulan adag la ciyaari doona xulka wadanka Burundi ciyaar ka tirsan koobka bariga iyo bartamaha Africa. Koobkan oo ay dhigaan xirirrka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ayaa waxaa sasnadkaan marti galinaya Uganda,waxaana uu si toos ah ufurmay shalay . Waxaa halkii maalinba dhacaya labo kulan ,waxaana ay Somalia ku jirtaa Group-ka B oo ay kula jiraan wadamada ,Burundi ,Sudan iyo Tanzania .
Kulanka koowaad ayaa maanta dhex mari doona xulkeena Somalia iyo midka Burundi waxaana ay ciyaartaas soo gali doonta saacadu marka ay tahay 3:00 galabnimo,ciyaarta labad ayana dhex mari doonta Tanzania iyo Sudan. Waa Group adag waxaana warbaahintu ay sadaalinayaan in ay ka soo bixi karaan wadamada Sudan iyo Tanzania .
Qaar ka mid ah ciyaartoyda Soomaalida oo ku sugan Kampala oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay kalsooni buuxda ku qabaan in ay ka adkaan karaan Burundi. Ciyaarahaan ayaa waxaa balan qaaday oo toos looga daawan doonaa TV-ga Supersport qeybtiisa 9 oo fadhigiisu yahay wadanka.
Fogaan Arag Sports
Fogaanaragnews@gmail.com
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9130

