|

Gabar dhalatay Wadnaheeda oo Dulsaaran Xabadkeeda, video

Gabar yar oo loogu magac daray Audrina Cardenas oo ah Mareykanka ayaa ku dhalatay arin mucjiso ah oo ka duwan qaabka ilmaha ay ku dhashaan kadib markii lagu arkay wadnaheeda oo dul saaran xabadkeeda si caadi ahna u shaqeynaya hase waxaa lagu sameeyay qaliin oo kadibna lagu guulaystay in wadnaha lagu celiyo booskiisa.

Arintaan oo la yaab ku  noqtay hooyada dhashay iyo dhaqaatiirtii aragtay ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay marxalad dhacda mar mar dhif ah oo loogu yeero ”ectopia cordis,” oo ah in wadnaha uu ku yaalo meel aanan meeshiisa aheyn gudaha jirka ha ahaato ama banaanka.

Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegay in halkii malyanba ee caruurta ku dhalata aduunka sideed ka mid ah lagu arko marxaladaha noocaan ah ee wadnaha uu ku yaalo meel anaan booskiisa aheyn, inta badana ilmaha marxaladaas ku dhasha ay noqdaan kuwa fadhiid ah ama dhinta saddexda maalin ee ka dambeyasa dhalashadooda.

War ka soo baxay Cispitaalka Magaalada Houston ee gobolka Taxes ee dalka Mareykanka oo ah halka ay ku dhalatay gabadhaan ayaa waxa lagu sheegay in lagu guulaystay qaliin muda lix saacadood qaatay oo lagu sameeyey gabadha yar, kaas oo wadnaheeda lagu celiyay booska caadiga ah ee wadnaha uu ka degan yahay jirka aadanaha, iyadoo ku dhalatay saddex meelood meel ka mid ah wadnaheeda oo dul saaran xabadkeeda oo banaanka uu yaalay

Hooyada dhashay gabadha yar oo lagu magacaabo Ashley Cardenas ayaa sheegtay in isbadel weyn ay dareemaysay  markii uurkeeda uu ahaa 16 todobaad, hase ahaatee aysan wax ra,yi ah ka haysan in ilmaheeda ay sidaan noqon kartay, waxaana ilaah mahadiis ah in ay nooshahay ayay tiri inkastoo aan ka walwal sanahay sida ay noqondoonto nolosheeda.

Dhaqaatiirka ku guulaystay qalliinkaan ayaa sheegay in gabadha ay u baahnaan doonto qalliino yar yar gaar ahaan marka ay waynaato.

FG: Sawirka waa qaliinka ka hor iyo ka dib

Hlakaan Ka daawo

  Watch More News Videos at ABC
|
2012 Presidential Election
|
Entertainment & Celebrity News

 

Fogaan Arag News

 

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=9060

Posted by on Nov 23 2012. Filed under Caafimaadka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login