|

Uganda: Jeermiska Ebola oo Mar kale ay dad ugu dhinteen dalkaasi.

Jeermiska dilaaga ah ee loogu magac daray Ebola ayaa mar kale ka dilaacay bartamaha dalka Uganda, waxaana ilaa iyo hada la ogaaday in laba qof ay u dhinteen xumadaasi sida ay  maanta Sheegtay wasiirka Caafimaadka dalkaasi.

Christine Ondoa oo ah Wasiirka Caafimaadka oo shacabka dalkaasi u sheegaysay in Jeermiska uu ku soo laabtay ayaa  ka dhawaajisay  in labada qof ee u dhintay ay ka tirsanaayeen hal qoys kuwaas oo ku dhaqnaa degaan 50 Km u jira Xarunta dalkaasi ee Kampala waxa ayna tiri

”Wasaarada Caafimaadka, waxa ay ku wargalinaysaa shacabka in jeermis kale oo dilaa ah oo isla kii hore camal ah ee Ebola uu mar kale ka dilaacay dalka”

Wasiirka ayaa intaasi ku dartay in nin kale oo seddexaad uu dhintay bishii la soo dhaafay kadib markii lagu arkay Calaamadaha Jeermiska hase haatee looma diiwaan galin in Ebola uu u dhintay.

Ilaa iyo hada waxaa la hayaa shan qof oo kale oo lala xiriirinayo in ay la xanuunsanayaan jeermiskaasi iyadoo laba ka mid ahna la dhigay waaxda takoorka ee Cisbitaalka weyn ee Magaalada Kampala ee Mulago Hospital ayay tiri .

Jeermiskaan Ebola waa Jeermis dilaa ah oo leh xumad daran oo la mid ah sida malaariyada ama kaneecada oo qofka soo rida, balse si dag dag ah ku faafa,  waana markii labaad ee lagu arko dalkaasi Uganda iyadoo muda aanan fogeyn ay dad badan ugu dhinteen dalkaasi.

 

Fogaan Arag News

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=8752

Posted by on Nov 15 2012. Filed under Caafimaadka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login