|

Hooyo looga Umuliyey Mobile Markii leyrka uu Ka Damay Cisbitaal lagu dhalinayay.


Haweenay u dhalatay Dalka Giriiga ayaa iyadoo goor habeenimo ah lagaga umulinayo mid ka mid ah cisbitaaladda dalkaasi ay ciladdi ku timid dab-dhaliyahii, taasoo keentay inay gabi ahaanba shaqadu ku sigato inay istaagto, balse nasiib wanaag iyadoo la adeegsanayo iftiinka moobiladda laga umuliyey iyadoo wax dhibaato ahi iyada iyo ilmaheeda midna soo gaadhin.

Hooyaddan ayaa tidhi iyadoo ka hadlaysay mushkiladda qabsatay, “Waxaanu maqalnay dhakhtarkii oo markay meeshu mugdi noqotay qaylinaya oo dalbanaya in wuxuun loo iftiimiyo.”

Qoyskan hooyaddan ayaa ka dibna moobiladoodii u iftiimiyey  ciladdan dabka ku timid ayaa xitaa gaadhay qaybta xannaanadda xoogan ee lagu hayo dadka xaaladaha halista ku jira ee cisbitaalkaas. Dalka Giriiga ayaa bilahii ugu danbeeyay uu leydhku si kadis ah goor kasta u damaa isagoo mararka qaar maqnaada saacado.

Arrintan ayaa la sheegay inay ka mid ah tahay dhaqaale la’aanta baahsan eek a taagan dalkaasi oo keentay inay shaqo joojin sameeyaan shaqaalaha ka hawlgala laydhku, kuwaasoo ka mudaharaadaya in lagu wareejinayo shirkadaha dawladdu leedahay dad shicib ah.

Dalka Giriiga ayaa wadda siyaasad uu ku dhimayo kharashaadkiisa si dib loogu soo nooleeyo dhaqaalaha hoobtay.

Ururadda dhakhaatiirta ee dalkaasi ayaa bilahii ugu danbeeyay markastaba dhinac iskaga leexinayey eedaha ay u soo jeedinayaan madaxda Dawladdu, gaar ahaan Wasiirka Caafimaadka oo ku ashkateeyay inay musuqmaasuq iyo lunsi lacageed hadheeyay cisbitaaladda Dawladda.

Sida lawada ogsoonyahay in dalka gariiga aay soo wajahday dhaqaalo xumo ayaa waxaa is bedel farabadan ku imaanayaa gabi ahaan wadanka qeybahiisa kala duwan sida addegyada bushada oo ah xubin muhiim u ah shacabka reer giriig.

Fogaan Arag News
Fogaanaragnews@gmail.com

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=8589

Posted by on Nov 13 2012. Filed under Caafimaadka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login