Ilmaha aanan wali dhalan oo laga badbaadin karo HIV hadii Hooyada ay waqti hore bilowdo ka hortaga.
Virus-ka HIV oo ah xanuun la isugu gudbiyo siyaabo kale duwan oo ay ugu horeysa galmada, dhiig Vurus-ka uu la socdo oo lagu shubo qof ka fiyow iyo qalabka caafimaadka oo la isla isticmaalo sida mindiyaha qaliinka, manqaska , sakiimaha garka iyo meelaha kale la isaga xiiro iyo hooyada qabta oo u gudbisa ilmaha uurkeeda ku jira.
Hase ahaatee hada waxaa inta badan lagu guuleystay in hooyada qabta Xanuunkaasi ee waqtiga ku hobaan bilowda qaadashada daawada looga hortagaayo in Viriuska uu u gudbo ilmaha yar ee uurka ku jira.
Gabar u dhalatay dalka Cameroon oo leh hanuunkaasi ayaa si weyn ugu mahadcelisay mashruuca ka hortaga ee looga hortagaayo in hooyada ay u gudbiso Viruska ilmaha yar ee uurkeeda ku jira kadib markii ay dhashay wiil ka fiyow Viruska oo ku noqotay arin lama filaan ah.
”Waxaan ahaa 24 jir markaan ogaaday in aan qabo HIV oo aheyd 2010, aad baan u naxay waxaana islamarkiiba ii sawirmay in aan dhimanaayo, waxaa kale oo aan aad ugu naxay uurka aan lahaa, kadibna waxaan qorsheystay in ilmaha aan iska soo rido sababtoo ah ma rabin ilma xanuunsan oo qeyb ka noqonaya dhibka i haysta” sidaasi waxaa tiri Bridget oo ah Hooyada qabta HIV misana dhashay ilmaha aanan qabin Viruska.
Hooyadaan da,da yar oo ku nool magaalada Njinikom ee ku taala gobolka waqooyiga galbeed ee dalka Comeroon ayaa waxaa gacanta ku dhigay Koox ka tirsan Mashruuca ka hortaga in hooyada ay caruurteeda u gudbiso Viruska HIV-ga, waxaana ay ugu mahad celiyeen in waqtigii ku hobaanaa ay u timid sidaas darteedna ay suuragal tahay in ilmaheeda uu dhasho isaagoo ka fiyow Viruska.
”Waxaan aqbalay in aan sameeyo talooyinka caafimaad ee mashruuca inkastoo aanan aaminsaneyn, waxaana u malaynaayay in aan ku qaldanaa aqbalaada aan aqbalay in ilmaha aanan soo tuurin” sidaasi waxaa tiri Bridget.
Dhowr bilood kadib Bridget waxa ay dhashay wiil aad u qurux badan oo ka fiyow Viruska HIV waxa ayna tiri
”Markaan xaqiiqsaday in wiilkayga uusan qabain Viruska waxaa garbahayga ka dagay culeys weyn oo isaarnaa tan iyo maalinkii aan ogaaday in aan qabo HIV misana aan lahaa uur ”
Bridget waxa ay haysataa ilma kale oo qaba Viruska sababtoo ah waxa ay dhashay iyadoo aanan ogeyn in xanuunka ay qabto sidaas darteed uu ilmahaasi noqday HIV positive hase ahaatee markii dambe ee ay ogaatay in ay xanuunsan tahay ayaa waxa ay ku beegneyd uurka cunuga labaad oo ah midka laga badbaadiyay in ay u gudbiso Virus-ka
Mashruucaan ka hortaga ah ee hooyada aysan u gudbin karin ilmaheeda Viruska inta ay uurka ku jiraan ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu yahay mid rajo siinaya hooyooyinka qaba HIV oo markii hore dhali jiray caruur qaba HIV-ga balse hada dhali kara caruur aanan qabin Vuruska HIV hadii ay waqtiga ku hobaan bilaawaan qaadashada daawooyinka ka hortaga.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=8209
