Gabar yar oo u Curyaantay Jug ay ku dhufatay Macalimadeeda. video
Muuqaal Filin ah oo laga haley arin muran badan uu ka taagan yahay oo ka dhacday dalka Shiiniha ayaa waxaa ka dhex muuqda Macalimad wax ka dhigta goobaha caruurta lagu xanaaneeyo oo gabar afar sano jir ah garaacaysa ilaa uu miirka ka tagay kadibna loola cararay isbitaalka.
Aabaha gabadha yar oo la hadlay warbaahinta shiinaha ayaa sheegay in markii ay Cisbitaalka geeyeen uu dhaqtarka ku yiri waan saaraa saalada si aan isugu dayo waxa aan ka qaban karo laakiin ma din balanqaadi kari in ay ka soo baxayso iyadoo caafimaad qabta.
Waxaana dareemay in xaalada ganadhayda ay halis tahay waayo waxaa la gaarsiiyay dhaawac culus oo dhinac maskaxda ah ayuu yiri waxa uuna intaasi ku daray in Muuqaalka Filinka laga garan karo sida ay u gashay, Waxaa filinka ka muuqda Macalimada oo gabadha yar intay dhulka ku tuurtay kadibna lugta ka qabatay oo mar kale waji waji dhulka ugu tuurtay.
Wakaalada wararka Reuters ayaa baahisay in gabadhaasi yar ay curyaantay maskax ahaan, oo hada aysan socod iyo hadal midna awoodin, waxaana lagu sameeyay laba qaliin oo waxba aanan ka badelin dhibka haysta.
Macalimada ayaa diidsan in wax dhib ah ay u geysatay gabadha, hase ahaatee waxaa lagu wadaa in lagu maxkamadeeyo ficilka ay ku kacday oo dhacay 2-dii bishii July ee sanadkan.
Telefishinka CCN-ka ayaa horey u baahiyay in gabadha yar ay qabtay cudurka Autism-ka, oo laga yaabo in uu sabab u ahaa dhibka gaaray haweenayda loo haystana aysan aheyn macalimad oo ay tahay caawisa oo kaliya balse waxaa la soo xaqiijiyay in gabadha aysan qabin xanuunkaasi iyo wax la xiriira toona haweenaydana ay tahay Macalimad ka tahay xaruntaasi ilmaha lagu xanaaneeyo.
Todobaadkii hore ayaa sidoo kale Macalimad kale oo wax ka dhigta Iskuul lagu magacaabo Shanxi lagu xukumay ficil sidaan oo kale ah kadib markii kaamirada Iskuulka laga laga daawaday iyadoo dharbaaxaysa ilma yar oo aanan awoodin in si dhaqsa ah uu ku xaliyo su,aalaha Xisaabta.
Caruurta yar yar oo maskax ahaan si sahal ah ula qabsada wax barashada ayaa waxaa macalimiinta looga digaa in ay ku xanaaqaan hadii ay waqti badan ku qaadato la qabsiga waxbarashada, waayo dhaawaca gaara ilmaha yaraantooda waxa uu saameyn ku yeeshaa noloshooda gaar ahaan jug gaarta iyaga oo aanan iska jiraynin.
Halkaaan Ka Daawo
http://youtu.be/E6QsxGtzSFU
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=8056
