Haweenay Maandooraye ay isticmaashay ku sumaysay ilmaheeda kadib markii ay Nuujisay.
Haweenay u dhalatay dalka New Zealand ayaa sumaysay ilmaheeda yar kadib markii ay u marsiisay caanaha naaskeeda uu ka cabay.
Ilmaha yar oo seddex bilood jir ah ayaa jirkiisa laga helay maandooriye loo yagaano Cannabis kadib markii uu aad u xanuunsaday iyadoo markii la ogaadayna loo sheegay hooyadiis oo qiratay in ay iyada isticmaashay Maandooriyahaasi.
Dhaqaatiirta oo baaritaan ku sameeyay haweenaydaasi ayaa ugu dambeyn xaqiijiyay in ay tahay qof Askulusta ah ama isticmaasha daroogada sidaas darteedna ay ilmaha ugu gudbisay caanaha uu ka cabay naaskeeda.
Haweenayda oo 29 jir ah ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah kadib markii ay ku cadaatay in ay qatar galisay nolosha ilmaheeda yar sidaas darteed ayaa dhaqaatiirta ay ugu digayaan dhaman haweenka uurka leh iyo kuwa ilmaha nuujiya in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha wax u dhimaya miirkooda ama caafimaadkooda aanan u fiicneyn, waxyaabaha aanan hooyada u fiicneyn uma fiicna ilmaha ay nuujiso ama uurkeeda ku jira.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=7803
