Daawooyin sharci dara ah oo lagu qabtay dalal badan oo Afrikan ah.
Howlgal balaaran oo lagula dagaalamay Doowooyinka sharci darada ah oo laga sameeyay 16 dal oo African ah ayaa waxa lagu soo qabtay daawooyin xadigooda uu ka badan yahay 82 milyan oo si sharci dara ah loo gilyay dalalkaasi.
Howlgalkaan oo ay fulisay hay,ada (WMO) ama hay,ada Canshuuraha Aduunka ayaa daawooyinka ay gacanta ku dhigeen waxaa ka mid ahaa xanuun baabi,iyaal, kuwa uuruka looga hortago iyo daawooyinka malaariyada oo ku jiray Containero lagu soo guray.
Waxaana ay ka fulliyeen 16 dekadood oo ku yaala qaarada Africa intii u dhexeysay 11 ilaa 20 july , iyagoo Howlgalkana ugu magac daray Vice Grips2.
Dalalka Angola, Cameroon, Chana iyo Togo ayaa laga soo qabtay badanka Daawooyinkaasi oo ay sheegeen in daawooyinka ay ka keeneen bariga iyo koonfura Aasiya iyo sidoo kale Bariga dhexe.
Daaawooyinka sharci darada ah ayaa dhibaato weyn ku haya Gaarada Africa, waxaana loo isticmaalaa si kheyri caadi ah oo inta badan dadka ay iska iibsadaan iyagoo aanan kala tashan wax dhaqtar ah, kadibna waxaa ka soo gaara dhib ka weyn midka ay rabeen in ay ku dhabiibaan oo xitaa mararka qaar ay ku sabab u noqdaan in qofka uu ku dhaco cudur hor leh.
Fogaan Arag News
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=7732
