Qaar kamid ah Xubnaha Baarlamaanka oo Sheegay inay gurmad gaarsiin doonaan Baladweyn.
Dahaair Amiin Jeesoow oo ka Mid ah Mudanaayaasha Baarlamaanka Somaaliya ayaa sheegay in ay gurmad u diri donaan baarlamaanka dadkii ku guryo belay Fatahaadii ku dhuftay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka hiraan.
Dahaair Amiin ayaa sheegay in ay ka garabsiin doonaan masiibadaani ku habsatay dadkaani degaan, Duunyo, iyo dadkaba ku waayay Fatahaadaani uu sameeyay wabiga Shabelle.
Dahaair Amiin ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in ay gaarsiin doonaan waxwaliba oo ay u aboodaan dadkaani guryo belay, iyadoo uu sheegay inay haatan baar lamaanka ka tashanayaan sidii ugu dhaqsiyaha badan oo ay gargaar ku gaarsiin karaan.
Ugu danbeentii dadka ay masiibada qabsatay ayaa haatan waxaa ka soo baxaya cabasho iyo baaqyo ay ku doonayaan in waxlooga qabto dhibaatada ka soo gaartay fatahaada uu sameeyay wabigani.
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=6204
