|

Ma Tolaynaa Amisom Mise Waxaan Isaga Jirnaa Maalinna Unisom, Maalin Kale Amisom, Waxa aan Dhowrnaana ay tahay Arabsom By Faarax Beerreey

Maanta Soomaaliya u mallayn maayo in ay jirto cid welwel ay ka hayso in doorasho ka dhacdo, oo baarlamaan iyo madaxweyne la doorto, gole wasiirana lagu dhawaaqo, kadibna la dhaariyo sida caadada ah…laakiin arrinta cid walba fekerka gelisay waa asaaska dawladnimada iyo sidii loo heli lahaa ciidan tayo leh.

Saxaafadda caalamka iyo dadka soomaalida ah ee qurbaha ka tegay waxay dhammaantood isku raaceen in is beddel weyn oo dhinaca ammaanka iyo dib u dhiska ah laga dareemayo magaalooyinka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Wargeyska Daily Maverick ayaa ku tilmaamay madax xanuun hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka 22ka sanno ku noolaa waxa uu u gooyo qoriga caaraddii, ayna adag tahay in si sahlan u noqdaan ciidan laysku hallayn karo oo illaaliya ammaanka iyo xuquuqda bini aadamka.

Inkastoo ay jiraan ciidan aan tiradoda badnayn oo bilow iyo tababaro qaatay, misana waxaa ka badan inta ku qaangaartay fawdada iyo in nolol maalmeedkooda ku soo saarata qoriga caaraddii.

Maalin hadday ku dhaafto, maalinta xigta waxa uu warku noqdaa Ciidamo ka wada tirsan DKMG oo isku dhacay, ama ruux labisan dareeska ciidamada oo dhac ama xad gudub geystay, dhinaca kale waxay mararka qaar isku milmaan xooggaga ka soo horjeeda dawladda oo astaan iyo tira koob lagu kala sooco ay adag tahay.

EJ Hogendoorn oo ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee hor taala dhismaha ciidan qaran ay tahay iyadoo aanay u dhamayn qabaa’ilka soomaalida.

Musuq maasuqa ka jira dalkana uu la sii degay in si joogto ah la isugu hayo ciidan tayo leh oo helo mushahar joogto ah.

Dadka u dhuun daloola siyaasadda Soomaaliya waxay isku raaceen inaan horumar weyn laga gaareyn geeddi socodka nabadda iyo dhaqaalaha haddaan laga fekerin sidii wax kasta loogu huri lahaa dhismaha ciidan qaran oo tayo leh.

Waxaa xaqiiqo ah in aan dhawaanahan la sugayn ciidan tayo leh oo la isku hallayn karo oo gebi ahaanba hanan kara ammaanka dalka loogana maarmo ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan, dhanka kale inkastoo dagaal kasta oo la galo ciidanka lugta (Infantry) ay Soomaali yihiin haddana looma oggola in ay adeegsadaan hub culus iyo gawaarida gaashaaman iyadoo sabab looga dhigayo cunaqabaynta hubka ee saaran dalka.

Haddaba, haddii xaalku sidaa yahay,sow ma habboona nin loo talo badsado arrinka si tallaabadii la qaadaba aanay u noqo hal bacaad lagu lisay, waxaan aniga iyo dad kaleba qabnaa in ciidamada Afrika inta jecel in ay qaataan dhalashada Soomaaliya iyo diinta inaan Tolayno sidii dhaqanku ahaan jiray, iyaguna asaas adag u noqdaan ciidan laysku hallayn karo oo dalku yeesho.

Haddii kale arrintu waxay taagnaan (Tuke nasiib uu caano ku helo waa leeyahay nasiib uu ku dhamose ma leh) maalinna UNISOM, Maalin kale AMISOM, waxa la dhawraana waa ARABSOM.

 

Waxaa qoray: Faarax Beerreey.
froblead@gmail.com
Fogaan Arag News.
fogaanaragnews@gmail.com
Afeef : Fikirka Qormada waxa ay u gaar tahay Qoraaga, looma raacan karo Maamulka iyo howlwadeenada Barta Fikirka iyo Fogaan Araga.

 

 

 

Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=4446

Posted by on Sep 5 2012. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login